Ban Ki-moon oo Kenya ku eedeeyay Duqeymaha Koonfurta Somaliya ka geystaan inay dad rayid ku laayeen

WAAJIDPRESS – 9 JUL 2016:

Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Mr Ban Ki-moon ayaa sheegay in diyaaradaha dagaalka Kenya ee duqeymaha ka geystay Somaliya lagu laayay dad shacab ah, sidoo kalena lagu bur buriyay Ceelal, guryo iyo xoolo.

Xoghayaha ayaa intaas ku daray inay jiraan tuhuno ah in la isticmaalay rasaasta qaraxyada sii dhalisa ee loo yaqaano (Cluster Munition) sida ay sheegeen saxaafadda iyo Bulshada deegaannada duqeymaha ay ka dhaceen iyadoo Kenya ay arrintaas ku sheegtay been abuur.

Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in diyaaradaha dalka Kenya ay ku dileen Somaliya dad shacab ah oo tiradoodu tahay 29 qof kadib weerarkii dhimashada badnaa ee Shabaab ay ku qaadday Saldhig Millateri oo ciidamada Kenya ay ku lahaayeen deegaanka Ceel-cadde.

Dowladda Kenya ayaa ka mid ah 108 dal oo saxiixay heshiis caalami ah kaas oo mamnuucaya isticmaalka hubka iyo rasaasta markii la isticmaalo qaraxyo kale sii dhalin kara oo loo yaqaan (Cluster Munitions).

Duqeymaha Kenya ee Somaliya ay ka geystay ayaa jawaab u ahaa weerarkii askarta badan Kenya looga dilay ee Ceel-cadde bishii 15 Jannaayo ee sanadkan iyadoo dowladda Kenya aysan illaa hadda ka hadal tirada ciidan ee dagaalkaas looga dilay.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s


%d bloggers like this: