War deg deg ah: Weerar Ismidaamin ah oo lagu qaadey Xerada Laanta Buur ee gobolka SHABEELAHA HOOSE

WAAJIDPRESS – 11 Jul 2016:

IMG_25F71E-AE3EC2-7EF674-7FD2ED-1AC877-689793

Ciidamo la sheegay iney ka tirsan yihiin Al-Shabaab ayaa xalay Weerar ku qaaday Xarun ciidan oo ku taallay deegaanka Laanta-buur ee gobolka Shabellaha Hoose.

Xoogaga Ururka Al Shabaab, ayaa dagaal qaraar ku qaadey  Xerada Deegaanka Laanta Buuro, oo 10km u jirta Degmada Afgooye ee Gobolka Shabellaha Hoose.

Saldhiga Al-Shabaab ay Weerareen ayaa waxaa deganaa Ciidamo ka tirsan MAAMULKA KOONFUR GALBEED iyo Dowlada.

Maamulka Gobolka Shabellaha hoose, ayaa wuxuu faah-faahin ka bixiyay dagaalkii cuslaa ee Xoogaga Shabaab xalay saqdii dhexe ay ku qaadeen Xerada ciidamada Millateriga Somaliya ee Deegaanka Laanta Buuro.

Weerarkaan oo ku biloowday Ismiidaamin uu fuliyay ruux naftiis Qaribe ah oo kaxeynaayay gaari ayuu KU dhuftay Albaabka Xerada ciidanka, kadibna waxaa xigay dagaal toos ah oo Shabaabka ay ku qabsadeen Xerada Laanta Buuro.

Ugu yaraan 6 Askari ayaa dhimatay kadib markii Xarakada Al Shabaab ay Xalay Weerar xoogan ku qaadeen Xero Ciidamada Militariga ay ku leeyihiin Degaanka Laanta-Buuro ee Gobolka Sh.Hoose.

Guddoomiyaha Gobolka Shabellaha hoose Ibraahin Aadan Najax oo la hadlay Idaacada VOA, ayaa sheegay Shabaabka inay u suuragashay inay gudaha u galaan Xeradaasi, kadib dagaal culus oo dhacay.

Guddoomiyaha wuxuu sheegay inta ay hada ka warqabaan dagaalkaasi inay ku geeriyoodeen Shan Askari oo ka tirsan ciidamadii ku sugnaa Xerada Laanta Buuro, sidoo kalena Shabaabka ay kaxeysteen gaadiid ciidan oo Xeradaasi yaalay.

“Khasaaraha aan hada anaga hayno, Shan Askari ayaa meesha ku dhimatay dhowr askarina waa ay ku dhaawacmeen, inkastoo Khasaaraha dhabta ah aynaan haynin weli, gaadiid Xerada dhexdeeda yaalay ayeey qaateen Shabaabka.” Ayuu yiri Guddoomiyaha Gobolka Shabellaha hoose oo dagaalka ka hadlay

Waa markii labadaa oo sanadkana gudihiisa Shabaabka ay weeraraan Xerada ciidamada Millateriga ee deegaanka Laanta Buuro, Bishii Marso ee sanadkan ayeey Shabaabka weerar culus ku qaadeen isla Xeradan oo ay kala baxeen gaadiid dagaal oo badan.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s


%d bloggers like this: