Akhriso then Daawo Sawirada: Radio Baydhaba Ayaa 200 Raadiyal Digital ah U Qeybisey Barakacayasha..

WAAJIDPRESS – 12 JUL 2016:

In ka badan 200 Haween ka kala yimid kaamam ku yaal magaalada baydhaba xarunta gobolka Bay Ayaa Maanta Xarunta Shirarka Ee TIIROW ee  Baydhabo waxaa loogu Qeybiyey 200 Raadiyaal Dijital ah, si ay ula socdaan idaacadaha iyo waxyaabaha ka dhaca dunida dacaladeeda.

Munaasabadii Qeybinta Raadiyashan Waxaa ka qeyb galey Maamulka gobolka Baay Kan Degmada Baydhabo Iyo Waziiro Ka socdey Maamulka Konfur Galbeed Soomaaliya

Iyo marti sharaf kale oo lagu casuumey Munaasabadan

Agaasimaha Radio Baydhabo C/raxmaan Jiirow Oo ugu Horeyntii Halkaasi Ka Hadley Ayaa Sheegey In qeybinta raadiyayashan ay tahay sidii haweenka ku dhaqan xerooyinka barakacayasha ay ula socdaan waxyaabaha ka socda dunida inteeda kale sida Wararka Barnaamijada iyo Farrimaha Dadweynaha

Ibraahim Loor oo ku hadlayey magaca Kaamamkii ka faa.ideystey fursadas ayaa dhankiisa tilmaamey in RADIO BAIDOA ay uga mahadcelinayan sida ay marwalba ay u dooneyso iney daboosho baaahida shacabka konfur galbed soomaaliya

Gudoomiyaha Maamulka Gobolka Baay C/rashiid C/Laahi Maxamed iyo Wasiirka Tamarta iyo Biyaha Aadan Isack Osama ayaa dhankooda Radio Baidoa Ku Bogaadiyey Hormarada la taaban karo Oo Mudooyinkii U dambeeyey Ay Ka wadeen magaalada baydhabo xarunta gobolka Baay waxayna sidoo kale Dadkii Loo qeybiyey raadiyasha ay kula dardaarmeen ineysan dayacin oo ay kala socdan dhacdooyinka caalamka si aysan u noqon kuwo u Nugul Borobogaandada

Ma,ahan Markii Ugu Horeysey Kulamo Noocaan Ah ay Radio Baidoa ay ku qabato Magaalada Baydhabo Iyo konfur galbeed Inteeda Kale waxa ay aheyd 10 december 2015 sanadkii lasoo dhaafey markii ay qabteen kulan isdhexgal bulsho oo ay u qabteen in ka badan 100 ruux oo isugu jira rag iyo haween.

Waxayna maamulka Radio Baidoa sidoo kale ay balanqaadeen in sanadkan 2016 Dabayaaqadiisa Xarun Idaacadeed Ay ka Furi Doonaan Caasimada Konfur Galbeed Somaliya Magaalo Xeebeedka ee Baraawe; – DAAWO:

image image image image image

 

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s


%d bloggers like this: