Guddoomiyihii hore ee Gobolka Bari oo eedeymo kulul u jeediyay Madaxweynaha Puntland

WAAJIDPRESS – 12 JUL 2016:

image

Guddoomiyihii hore ee Gobolka Bari ahna Hogaamiyaha Kacdoonka shacabka PUNTLAND Cabdisamad Galan (oo ka soo jeeda beesha Cali Saleebaan- MAJEERTEEN) oo u warramayay Idaacadda Shabelle ee Magaalada Muqdisho, ayaa ku eedeeyay Madaxweynaha maamulka Puntland Cabdiweli Gaas in ilaaladiisa ay dad shacab ah ku dileen deegaanada Waaciye iyo Xidho oo hoostaga Gobolkaasi Bari.

Cabdisamad Galan ayaa carabka ku adkeeyay in tacadiyo ka dhan ah beni’aadanimada ay ka geysteen Ciidamada maamulka Puntland deegaanadaasi Waaciye iyo Xidho ee maamulkaasi Puntland hoostaga.

Sidoo kale Guddoomiyihii hore ee Gobolka Bari Cabdisamad Galan ayaa cambaareeyay xariga Guddoomiye ku xigeenkii Magaalada Gaalkacyo ay u geysteen Ciidamada maamulka Puntland.

Guddoomiyihii hore ee Gobolka Bari ayaa dhaq dhaqaaqyo uu kaga soo horjeedo Madaxweynaha maamulka Puntland ka wada deegaano hoostaga Gobolka Bari isagoo wacad ku maray in talada uu ka tuurayo Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s


%d bloggers like this: