War hadda soo dhacay: Ugaaska XAWAADLE oo Afeey & GABRE ka diiday Qorsha ay wateen

WAAJIDPRESS – 12 JUL 2016:

iga_1 iga_3 iga_4

Waxaa maanta magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan , gaaray wafdi kasocda Urur Goboleedka IGAD , kuwaa oo kulamo gooni gooni ah halkaasi kula yeeshey Waxgaradka Gobolkaasi iyo Xildhibaano katirsan Dowlada.

Odayaasha dhaqanka gobolka Hiiraan ayaa go’aano adag hordhigay maanta wafdiga IGAD ka socdo ee tagay magaalada Beledweyne, kuwaasi oo doonaya socodsiinta dhismaha maamulka Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe.

Shirkii u dhaxeeyay Odoyaasha Gobolka Hiiraan iyo Madax ka socotay Urur Goboleedka IGAD ee maanta ka dhacay Magaalada Beledweyne ee Gobolkaas ayaa fashil kusoo dhamaaday.

Wararka aan ka heleyno magaalada Beledweyne ayaa sheegaya in Ugaaska Xawaadle uu hordhigay wafdiga IGAD iyo Generaal Gabro iney doonayaan labo qodob midkood in lagu tixgeliyo.

1 In Hiiraan kaligii laga dhigo maamul gaar ah iyo

2 in Hiiraanloo qeybiyaa labo gobol kadibna lagu daraa gobolka Shabeelaha Dhexe.

Ugaas Cali Ugaas Muxumad Ugaas Shafeec Af-hayeenka odoyaasha dhaqanka Gobolka Hiiraan oo la hadlay idaacadda Simba ee Magaalada Muqdisho ayaa xaqiijiyay in lagu kala kacay shirkii maanta ka dhacay Magaalada Beledweyne kaasi oo u dhaxeeyay odoyaasha Gobolka Hiiraan iyo wafdi ka socday Urur Goboleedka IGAD uu Hogaaminaayay Danjire Maxamed Cabdi AFey iyo dowlada Ethopia .

Sababaha uu fashilka ugu yimaaday shirka ayuu ku sheegay Ugaas Cali Ugaas Muxumad Ugaas Shafeec Af-hayeenka odoyaasha dhaqanka Gobolka Hiiraan kadib markii Wafdiga IGAD u soo jeediyeen in odoyaasha ay aadaan Magaalada Jowhar ayna ka qeyb galaan shirka taasi oo ay ka hor imaadeen odoyaasha dhaqanka Hiiraan.

Sidoo kale Ugaas Cali Ugaas Muxumad Ugaas Shafeec Af-hayeenka odoyaasha dhaqanka Gobolka Hiiraan ayaa hadalkiisa ku daray in urur Goboleedka IGAD ay ka dalbadeen in la siiso 5-malmood oo ay kaga soo fikiraan in ay suurta gal tahay ka qeyb galka shirka taasi oo ay kasoo horjeesteen Wafdiga urur Goboleedka IGAD ka socday

 

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s


%d bloggers like this: