DAAWO then Akhriso: BEESHA DABARE EE DIGIL IYO MIRIFLE OO MAANTA BANAANBAX WEYN MAGAALADA MUQDISHO KA DHIGEY, KAASOO LOOGA SOO HORJEEDO MALAAQII LOO MAGACAABEY IN UU XULO XILDHIBAANADOODA

WAAJIDPRESS – 13 JUL 2016:

sidey_1 sidey_2

Waxaa maanta  magaalada Muqdisho ka dhacay Banaanbax aad u weyn oo ay ka qeybgaleen boqolaal isugu jirta Rag, Dumar iyo Caruur oo ka soo jeeda Beesha Dabare ee ku abtirsata BEELWEYNTA DIGIL IYO MIRIFLE , kuwaa oo ka soo horjeeday in Ugaaskii hore ee Beeshaasi ee Ugaas Siidey Xaaji Maxamed Nuur lagu daro Odayasaha 135-ta Oday ee soo xulaaya Baarlamaanka Soomaaliya.

Dadka Banaan baxa dhigayay ayaa watay boorar ay uga soo horjeedaan in Ugaas Siidey uu ku matalo odayaasha Dhaqanka Soomaaliyeed, waxa ayna Tilmaameen in Ugaaska uu horey ugu biiray Xarakada Al-Shabaab ayna ogeyn meel uu uga baxay kooxdaasi.

Ex-Xildhibaan Sheekh Maxamed Diinsoor oo kamid ahaa dadkii Banaan baxa ka hadlay ayaa sheegay in Ugaas Siidey Xaaji uusan matali karn Beesha Dabare, waxa uuna tilmaamay in Ugaaska uu horey ugu biiray Al-Shabaab uuna kooxdaasi ku wareejiyay dhamaan hubkii ay beeshaasi laheed.

Waxa uu sheegay Xildhibaanka in Ugaaskan ay badaleen beeshsa uu kasoo jeedo ayna layaab ku noqotay markii ay Liiska Odayaasha soo xulaya Baarlamaanka Soomaaliya ka dhax arkeen, waxa uuna ugu baaqay Madaxda Dowlada in ay arintan fiiro gaar ah u lahaadaan .

” Nin Shabaab noqday beel ma hogaamin karo, Ugaaska Shabaab ayuu noqday hubkii Beesha dhan kooxdaasi ayuu ku wareejiyay, dadkii uu matalayay ayaa iska diiday oo xilka ka qaaday mana ahan Ugaaska Dabare Ugaas Siidey” Ayuu yiri Ex-Xildhibaan Diinsoor.

Ugu Dambeyn dadkii kale ee ka hadlay Banaan baxa ayaa sheegay in uusan Matalin Ugaas Siidey Beeshooda, waxa ayna ka codsadeen Dowlada Soomaaliya in ay Ugaaska ka saaraan Liiska Odayaasha Soo xulaya ayna dib u baaraan taariikhdiisa – Filo Video goordhow.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s


%d bloggers like this: