War ka yimid Kenya: Booliska Kenya oo Magaalada Nairobi ku toogtay labo dhalinyaro Somali ah

WAAJIDPRESS – 13 JUL 2016:

wararka inaga soo gaaraya Magaalada Nairobi ee dalka Kenya, Ciidamada Booliska Kenya ayaa Bartamaha Xaafada Islii ee Somalida ay ku badan tahay, waxa ay ku toogteen labo ruux oo dhalinyaro Somali ah.

Dilka labadan ruux ee dhalinyarada ayaa dhacay xalay fiidkii, kadib markii ciidamada Booliska ay soo galeen Xaafada Islii, kadibna ay toogteen dhalinyaradaasi labada ah.

Booliska ayaa sheegay labada dhalinyarada ah ee ay dileen inay ahaayeen rag Burcad ah oo dhici jiray dadka ku nool Xaafada Islii ee Magaalada Nairobi.

Mursal Quule oo ah Suxufi ku sugan Magaalada Nairobi ayaa sheegay Saraakiil ka tirsan ciidamada Booliska inay sheegeen dilka labadaasi Dhalinyaro inuu yimid, kadib markii dad ka soo baxay Masaajidka ay isku dayeen inay dhacaan.

Booliska ayaa laga soo xigtay in labada dhalinyaro laga helay Toorey iyo Bistoolad dhaca ay ku geysan jireen, waxaana la sheegay dhalinyaradan inay qayb ka ahaayeen Koox lagu magacaabo Super Power oo ah Dhalinyaro isku tagay.

Dilka loo geystay labadan dhalinyarada ah ayaa wuxuu cabsi ku abuuray dadka Somalida ah ee ku nool Xaafada Islii, maadaama ay ka naxeen sida bareerka ah ee Booliska ay u toogteen labadaasi ruux.

Muddooyinkii dambe Xaafada Islii ayaa waxaa ku soo badanaayay dhaca loo geysanaayo dadka habeenkii ku socdaala Xaafadaasi.

Dhinaca kale, Wasiirka arimaha gudaha Kenya Joseph Nkaissery ayaa ka shanqariyay in maalmaha soo socda ay bilaabi doonaan Howlo ay sharciga iyo aqoonsiga shaqada uga qaadi doonaan Soomaalida ku sugan dalkaasi.

Waxa uu wasiirku sheegay in talaabadaasi ay saameyn doonto min ganacsato ilaa iyo guri joog, waxa uuna tilmaamay inaan loo dulqaadan doonin in Soomaalida ay si nabad galyo ah ugu noolaadan Kenya, kuwa u dhashayna ay ku jiraan cabsi.

Waxa uu sheegay in Soomaalida ku sugan Kenya ay badankooda heystaan sharciga dhalashada iyo kan ogolaanshiyaha shaqada hayeeshee ay talaabadaani ula gol leeyihiin xaqiijinta amaanka.

Waxa uu sidoo kale sheegay inuu jiro tuhun ah in 80% Soomaalida Kenya ku sugan ay wada shaqeyn hoose kala dhexeyso Maleeshiyaadka Al-shabaab.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s


%d bloggers like this: