War deg deg ah: Ugaaska Beesha Xawaadle oo yiri maanta: “Intii aan Jowhar tagi laheyn waxaan Ku biirayna Maamulka Koonfur Galbeed oo aan deris nahay iyo Killinka 5’aad

WAAJIDPRESS – 14 JUL 2016:

2016714636040921119516795Ugaas_Xasan_Shir_jaraaid_Baydhabo_6666

Ugaas Xasan Ugaas Khaliif oo ka mid ah Duubabka dhaqanka Gobolka Hiiraan ayaa maanta sheegay in intii ay ku biiri lahaayeen Maamulka loo sameynayo Gobolka Shabellaha Dhexe iyo Hiiraan ay door bidayaan in ay ku biiraan Ismaamulka Kilinka Shanaad Ee Soomaalida Itoobiya iyo Koonfur Galbeed.

Ugaas Xasan Ugaaska Beesha Xawaadle ayaa hadalkaa u sheegay Qaar kamid ah Bulshada Gobolka Hiiraan iyo Siyaasiin uu la hadlayay.

Dhawaan waxa Magaalada Baledweyne tagay Wafdi ka socda Urur Goboleedka IGAD oo doonayay in ay Xal ka gaaraan Shirka Maamulka loogu sameynayo Labada Gobol Ee Hiiraan iyo Shabellaha Dhexe,balse aysan Xal ka soo gaarin.

”IGAD waxba iskuma qarin waxaan si cad ugu sheegnay inaannan ogolaan doonin maamul loo dhiso labada gobol Hiiraan iyo Shabeellada Dhexe, Dadka marka uu wada-hadal Dhax-maro ama way is-fahmaan ama way kala taganaa, marka Anaga & IGAD kulankeenii waan isku-fahmi weynay, wayna naga tageen waxaana leenahay waad mahadsan tihiin” ayuu yiri Ugaas Xassan Ugaas Khaliif.

Isla Wararka naga soo gaaraya magaalada Beledweyne ee xarunta maamulka Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in halkaasi uu ka dhacay shir u dhexeeyay Odayaasha Beesha Xawaadle iyo Odayaasha kale ee kasoo jeeda Gobolka Hiiraan qeybta ka gadoodsan shirka ka socda magaalada Jowhar.

Wararku waxa ay sheegayaan in Odayaasha labada dhinac ay isku qabteen qodobo dhowr ah oo ay soo bandhigeen xubnaha IGAD ee dhawaan gaaray magaalada Beledweyne.

Odayaasha Beesha Xawaadle ayaa shirka socday ka sheegay inaanu diyaar u aheyn inay qaatan siyaasada cusub oo ay la dheelayaan xubnaha IGAD ee uu hogaaminaayo Afey, waxa ayna sidoo kale Odayaasha beelaha kale ka dalbadeen inay soo raacaan.

Odayaasha kasoo jeeda Beelaha kale ee dega Gobolka Hiiraan ayaa iyaguna khilaafay talada odayaasha Beesha Xawaadle waxa ayna sheegen inaanu jirin sabab ay intaa ka badan ku diidaan shuruudaha ay usoo bandhigtay DFS iyo IGAD, waxa ayna sheegen inay ka wardoonayaan ballamahaasi.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s


%d bloggers like this: