General Gaafow oo si rasmi ah loogu magacaabay Taliyaha Hay’adda Nabad Suggida


WAAJIDPRESS – 16 JUL 2016:

image

Shirkii maanta ee golaha wasiirada Xukuumadda Soomaaliya oo shir gudoominayey Raisul Wasaare Cumar CABDIRASHIID, ayaa waxa lagu canbaareeyay iskudaygii qaar ka tirsan Milateriga Turkigu ay ku doonayeen in ay ku Inqilaabaan Xukuumadda uu hogaamiyo madaxweyne Erdogan.

Golaha Wasiirada Somaliya oo maanta shir ku yeeshay Aqalka Madaxtooyada Somaliya (Villa Somalia), ayaa waxay si rasmi ah General C/laahi Gaafow Maxamuud ugu magacaabeen inuu noqdo Taliyaha Hay’adda Nabad Suggida & Sirdoonka Qaranka (NISA).

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa 14-kii bishii hore ee June si ku meel gaar ihi General C/laahi Gaafow Maxamuud ugu magacaabay Taliyaha Hay’adda Nabad Suggida, ka dib markii uu xilkaasi ka qaaday General C/raxmaan Maxamed Tuuryare.

Wasiirka Wasaaradda Amniga Qaranka, C/risaaq Cumar Maxamuud, ayaa Golaha Wasiirada u soo jeediyay in General C/laahi Gaafow Maxamuud si rasmi ah loogu magacaabo Taliyaha Hay’adda Nabad Suggida & Sirdoonka Qaranka.

Shirkan oo uu shir guddoominaayay Ra’iisal Wasaaraha Somaliya, Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke, ayay Golaha Wasiiradu ku taageereen soo jeedintii Wasiirka Amniga, waxaana la sheegey in xaflad xil wareejin ah ay dhacdey isla maanta.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s


%d bloggers like this: