War Cusub: Cumar Maxamuud Cabdulle (Cumar Dhagey) oo loodoortey gudoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Soomaliya

WAAJIDPRESS – 16 JUL 2016:

Gudigii Doorashooyinka uu dhawaan Magacaabay Madaxweyaha soomaliya Mudane Xasan Shiikh Maxamuud ayaa doortay Guddoomiyaha Guddigaas, kadib shir ay ku yeesheen magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaliya.
Avv. Cumar Maxamuud Cabdulle oo loo yaqaano Cumar Dhagey ayaa loo doortay inuu noqdo Guddoomiyaha Guddiga taaba gelinta Doorashooyinka dadban ee heer Qaran, Xubnaha Guddiga oo ka kooban 22 xubnood ayaa isku raacay inay in Avv. Cumar Dhagey u doortaan Guddoomiyaha Guddiga.

Avv. Cumar Maxamuud Cabdulle ayaa haatan ah La Taliyaha Madaxweynaha ee dhinaca sharciga, waxaana horay u soo baxayay warar sheegayay in Madaxweynaha uu u magacaabay Guddoomiyaha Guddiga doorashada.

Marka laga soo tago doorashada Gudoomiyaha Guddiga Doorashooyinka soomaliya, waxaa sidoo kale jira dib u dhac haatan laga dareemayo Hanaanka iyo jadwalkii lagu ansixiyay Magaalada Baydhabo oo ahaa qaabka loo maraayo doorashada Soomaliya ka dhacaysa sanadkaan 2016-ka.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s


%d bloggers like this: