Gudoomiye Jawaari oo kulan la qaatay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Johannseburg

WAAJIDPRESS – 17 – 2016:

image image image image image image

Gudoomiyaha Baarlamaanka faderaalka Soomaaliya mudane Prof. Maxamed Sheikh Cismaan Jawaari ayaa la kulmay qaar ka mida Jaaliyada soomaaliyeed ee ku dhaqan wadanka Koofur Afrika qaar ka mid ah Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan wadankaasi,

Kulankan ayaa waxaa ka qayb galay Ganacsatada iyo Waxgaradka Soomaaliyeed ee Johannseburg,ayaa goob joog ka ahaa Madaxda Safaaradda Soomaaliya ee K/Afrika,Odayaal,Waxgarad, Ganacsato iyo Dhalinyaro matalayay qeybaha kala duwan ee bulshada Soomaaliyeed.

Qaar ka mid ah dadkii lagu casuumay Kulanka ayaa Gudoomiyaha ugu xog waramay xaaladda Soomaalida K/Afrika,waxa ayna ka sheekeyeen dhibaatooyinka iyo horumaradda Soomaalida K/Afrika,gaar ahaan dilalka iyo dhibaatooyinka ka heysta Sharciga. Gudoomiyaha.

Danjiraha Dowladda Soomaaliya u fadhiya K/Afrika,Danjire Jamal Barrow (OO ka SOO jeeda BEELWEYNTA DIGIL IYO MIRIFLE) oo Ugu warbxiyay xaalada guud ee Jaaliyadda Soomaaliyeed,waxa uu sheegay inay tahay Jaaliyad u dhiganta Dowladda Soomaaliya isagoo intaasi ku daray in Jaaliyadda Soomaalida ay taageero mar walba la garab taagantahay Safaaradda ay Soomaaliya ku leedahay K/Afrika,

“Mudane Gudoomiya Soomaalida South Africa waa Dowladda gacanta ku heysa Safaaradda,waa dad deeqsi ah waa dad oo hadii loo baahdo Safaaradda garab taagan taasina dhiiragalin ayay na tusaysaa “ayuu yiri Danjire Jamal Barrow.
Gudooomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliyeed, Mudane Prof. Maxamed Sh.Cismaan ( Jawaari) oo ka hadlay kulanka ay Soomaalida ee Johannseburg ku casuuntay ayaa   u sheegey Jaaliyadda Soomaaliyeed in ka Dowladd ahaan uu Dowlada K/Afrika kala hadli doonto dhibaatooyinka lagu HAYO Soomaalida.

Gudoomiye Jawaari Wuxuu kaloo JAALIYADA soomaalida UGA warbixiyey Xaalada uu dalka marayo,isagoo sheegay in afartii sanno ee lasoo dhaafay Dowladda waxbadan u qabsoomeen hadana uu rajeynayo in horumar weyn laga talaabsado,waxa uu sidoo Ganacsatada kula dardaarmay inay Safaaradooda taageeraan ay gadaan Guri ay Soomaaliya yeelato.

” Waxaan idinku mahadinaa inaad Safaaradda gacanta ku heysaan waxaan ballan idinka qaadaa in aan geeyo Barlamaanka,hadii la awoodo in Guri la gado waan idinku dhiiragalin lahaa”ayuu yiri Gudoomiyaha.

 

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s


%d bloggers like this: