War deg deg ah: Ciidamo cusub oo ka socda Dalka UGANDA oo maanta MUQDISHO soo gaarey

WAAJIDPRESS – 18 JUL 2016:

201671863604408498280745528326793316_cd5f0060a5_b 201671863604408584217717527744320844_94a09e4cb7_b Uganda1-1

Guuto ka tirsan Ciidamada Militariga Uganda, ayaa soo gaaray Magaalada Muqdisho, iyadoona ay qayb ka yihiin Ciidanka Nabad Ilaalinta Midowga Afrika ka joogga Somaliya.

Guutadan oo lagu magacaabo UGABAG XIX, ayaa waxay bedel u yihiin Guutada UGABAG XVI, xilli ay dhameysteen muddo hal sano ah oo ay la hawlgalayeen Xoogaga Amisom.

Ciidankan, ayaa waxaa Axadii Garoonka Aadan Cadde ku soo dhaweeyay Saraakiil uu horkacaayay Taliyaha Ciidamada Uganda ka joogga Somaliya, Brig. Sam Okiding.

Guutadan cusub waxaa Taliye u ah Sarkaalka lagu magacaabo Anthony Mbuusi Lukwago, kaasoo qudhiisu Axadii shalay uun soo gaaray Magaalada Muqdisho.

Taliyaha Ciidamadan cusub, Col. Anthony Mbuusi Lukwago ayaa isagana rajo wanaagsan ka muujiyay ka qayb-qaadashadooda Hawl-gallada ka socda, isagoo yiri. “Waxaa naga go’an inaan hawlgallada socda qaybteena ka qaadanno, waayo tababar wanaagsan ayaan soo qaadanay ka hor intaan soo gaarin Muqdisho.”

Madaxweynaha Uganda, Yoweri Museveni, ayaa horaantii bishan sheegay in Ciidamadiisu ay sii jooggi doonaan Somaliya.

Amisom waxay Dowladda Somaliya ka caawinaysaa xaqiijinta ammaanka iyo la dagaalanka Ururka Al Shabaab.

 

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s


%d bloggers like this: