War deg deg ah: Dagaal xoogan oo ka dhex bilowday Somaliland & Puntland

WAAJIDPRESS – 18 JUL 2016:

Wararka ka imaanaya deegaanada ku yaala gobolka Sanaag ayaa sheegaya in dagaal xoogan uu ka dhex bilowday ciidamada maamulada Somaliland iyo Puntland, kuwaasi oo saacadihii lasoo dhaafay isku horfadhiyay deegaanadaasi.
Wararka naga soo gaaraya Sanaag ayaa sheegaya in dagaalka uu ka bilowday deegaanka BOOD oo ku yaala inta u dhaxeysa deegaanada magaalooyinka Xiingalool iyo Dhahar, waxaana la maqlayaa dhawaqa rasaas xoogan oo ay isweydaarsanayaan labada dhinac.

Dagaalka ayaa ah mid aad u xoogan iyadoona labada dhinac ay isweedaarsanayaan hubka nuucyadiisa kala duwan.
Dhaqdhaqaaq ciidan oo labada dhinac ay wadeen ayaa saaka ilaa xalay ka taagnaa deegaanada ku yaala gobolka Sanaag, waxaana iminka socda dagaal xoogan oo u dhaxeeya labada dhinac.
Ciidamo badan oo kala taabacsan labada maamul ayaa ku sugan deegaanada dagaalka ay ka dhacayaan, waxaana laga baqayaa in xiisada ay kusii faaftaa deegaano kale.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s


%d bloggers like this: