War deg deg ah: Magacyada Dadkii Ciidamada Itoobiya Ay Ku Laayeen Degaanka Wardiinle Ee Gobolka Bay

WAAJIDPRESS – 18 JUL 2016:

Ciidamada Itoobiya ee qeybta ka ah howlgalka AMISOM ayaa ugu yaraan 20 Ruux oo intooda badan lagu sheegay Macalimiin Dugsi waxey ku toogteen Guri ku yaalla Deegaanka Awdiinle, Xili Macalimiintaasi ay Qur’aan u aqrinayeen qof Xanuunsan ama bukaan ah.

War AMISOM ay ku qortay barteeda twitter-ka ayay ku sheegtay, in ay soo gaareen wararka ku saabsan in dad rayid ah ay ku dhinteen intii uu socday dagaal ka dhacay tuulada Wardiile ee gobolka Bay oo u dhaxeeyay AMISOM iyo Al-Sahbaab sida ay ku doodayso AMISOM.
AMISOM waxaa kaloo ay ku sheegtay warka kooban ee ay soo dhigtay barteeda twitter-ka in ay si dhaba u qaadanayso wararkaas, isla markaana ay bilaabayso baaritaan, wixii ka soo baxana la soo bandhigi doono iyadoo lala kaashanayo dawladda Soomaaliya.

Weerarkan ay Ciidamada Itoobiya Dadka ku laayeen ayaa waxuu ka dambeeyay kadib markii Rag ka tirsan Al Shabaab oo weeraray Ciidamadaasi islamarkaana ay soo galeen qeybo ka mid ah Degaanka Awdiinle.

Halka Ka Aqriso

Dadkii ciidamda Itoobiya laayey magacyadooda, ALLAHA U NAXARIISTO E:

 

image

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s


%d bloggers like this: