Ciidamo badan oo ka tirsan Dowlada ayaa maanta lagu laayey gobolka Shabeelaha Dhexe

WAAJIDPRESS – 19 JUL 2016:

Maleeshiyaadka Al-shabaab ayaa weerar culus ku qaaday bar kontarool oo Ciidamada dowladda ku lahaayen duleedka degmada Balcad ee Gobolka Shabeelaha Dhexe.

Weerarka oo laba jiho ahaa ayaa waxa uu khasaaro kala duwan kasoo gaaray ciidamada Milliteriga dowlada kuwaasi oo ku sugnaa barta koontarool.

Maleeshiyada ayaa weerarkaasi ku dishay ilaa 5 Askari oo ka tirsanaa ciidamada Milliteriga, kuwaasi oo xiliga weerarka ahaa kuwo ay ka muuqatay habacsanaan.

Weerarka ayaa waxaa sidoo kale dhanka dowlada uga dhaawacmay ilaa Seddex Askari, kuwaasi oo iyaguna la dhigay xarumo caafimaad oo ku yaalla degmada Balcad.

Dhanka Al-shabaab ayaa waxaa iyaguna weerarka uga dhintay ilaa Seddex maleeshiyo, halka laba kalane uu dhaawac kasoo gaaray.

Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay Masuuliyiinta iyo Saraakiisha maamulka degmada Balcad ee Gobolka Shabeelaha Dhexe oo la xiriira weerarkaasi.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s


%d bloggers like this: