War deg deg ah: Odayaasha reer Hiiraan oo sheegey in ay dhisanayaan maamul ka madax banaan Dowlada Federaalka

WAAJIDPRESS – 20 JUL 2016:

Wararka ka imaanaya magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in Duubabka iyo Ugaasyada gobolka Hiiraan ay qorsheenayaan in ay dhisaan Maamul u gaar ah gobolka Hiiraan kana madax banaan Dowlada Soomaaliya.

Odayaasha dhaqanka ayaa sheegay in saacadaha soo socda ay Caleemo-saari doonaan Ugaas Xasan Ugaas Khaliif Ugaas Rooble ka dibna ay dhisi doonaan Mamaulka ka badax banaan Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Qaar kamid ah Odayaasha Dhaqanka Gobolka Hiiraan ayaa sheegay in dhawaan magaalada Baladweyne lagu caleemo saari doono Ugaaska Beesha Xawaadle Ugaas Xasan Ugaas Khaliif Ugaas Rooble, kadibna ay ka tashan doonaan sidii ay u dhisan lahaayeen maamul Gobol Hiiraan u gaar ah.

Ugaasyada iyo Duubabka dhaqanka gobolka Hiiraan qaarkood ayaa horey u diiday in ay ka qeyb galaan shirka maamulka loogu dhisayo gobolada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhaxe ee gogoshiisa la dhigay magaalada Jowhar, waxa ayna diideen Odayaasha in Hiiraan lagu daro Sh.Dhaxe.

Dowlada Federaalka Soomaaliya iyo Urur goboleedka IGAD ayaa labadaba ku guul dareestay in ay Odayaasha dhaqanka Gobolka Hiiraan ku qanciyaan in ay ka qeyb galaan shirka labada gobol maamulka loogu sameenayo.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s


%d bloggers like this: