Xog Cusub: Xiisad dagaal oo wali ka taagan Gobolka Sanaag

WAAJIDPRESS – 20 JUL 2016:

Wararka ka imaanaya Gobolka Sanaag ayaa sheegaya in xiisad dagaal wali ka jirto deegaanadii maalmo ka hor ay ku dagaalameen Ciidamada Somaliland iyo kuwa Puntland, iyadoo laga cabsi qabo in mar kale dagaalo dhacaan.

Ciidamada Somaliland iyo kuwa Puntland ayaa isku hor-fadhiya goobihii ay ku dagaalameen agagaarka Booda-Cade oo u dhaxeysa Xingalool iyo Dhahar.

Wararka ayaa intaa ku daraya inay jiraan gurmadyo labada dhinac u direen aaggaga dagaal ee ay isku hor-fadhiyaan, waxaana barakac laga soo sheegayaa inuu ka jiro goobaha xiisada ay saameysay.

Dagaalo culus oo labada dhinac ku dhex maray Isniintii ayaa ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac, iyadoo labada maamul ay dagaalka ka kala sheegteen guulo.

Ciidamada Somaliland ayaa Isniintii gacanta ku dhigay Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Puntland oo lagu qabtay goobo ku dhow deegaanadii lagu dagaalamay.

Somaliland ayaa dhowaan ka bilowday diiwaan gelinta cod bixiyeyaasha doorashooyinka deegaanada Gobolka Sanaag Bari oo ay ku doodeyso in maamulkeeda uu hoos-yimaado, iyadoo Maamulka Puntland uu ka soo hor-jeestay.

Dhinaca kale, Wararka ayaa sheegaya in xubno sar-sare oo ka tirsan xukuumada Madaxweyne Gaas Iyo saraakiisha ciidamada Puntland ay gudoomiyahii hore ee gobolka Barri Cabsimad- Galan oo ciidamo ku haysta degaanada Barriga ah ka codsadeen maalintii shaley 18 July, 2016 inuu ku soo biiro gurmadka loogu jiro difaacida gobolka Sanaag.

Wararkaan ayaa shegaya in Gudoomiye Galan uu ka cududaartey codsigaas isaga oo sheegey in ciidanka uu hayo yihiin kuwo Qabiil arinkuna hadda joogin in beelaha loogu yeero difaaca Puntland.

Galan oo khilaaf siyaasdeed ka dhexeeyo xukuumada Madaxweyne Gaas ayaa ciidamo beleedyo ku haysta degaanada Barriga Fog ee Puntland.

Xukuumada Madaxweyne Gaas ayaa horey ugu yeertey in gudoomiyahii hore iyo cidanka uu haysto yihiin kuwa Burcad badeedka xiriir la leh islamarkaana ay ku jiraan xubno argagixisada la leh xiriir, edeyntaas oo uu beeniyey Galan.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s


%d bloggers like this: