War deg deg ah: Shaqaalaha Hay’adda Nile Organisation oo maanta isaga baxay Magaalada Muqdisho

WAAJIDPRESS – 22 JUL 2016:

Shaqaalaha Hay’adda Nile Organisation, ayaa maanta ka tagey Magaalada Muqdisho, iyagoona u hogaansamay amarkii ka soo baxay Golaha Wasiirada Somaliya, ee ahaa in muddo toddobaad ihi kaga baxaan Caasimadda Muqdisho.

Kulan ay Sabtidii isugu yimaadeen Golaha Wasiirada Somaliya, ayaa laga soo saaray qaraarka ka dhanka ah Hay’adda Nile Organisation, ka dib codsi kaga yimid Dowladda Madaxweyne Recep Tayyip Erdoğan.

Codsiga Xukuumadda Ankara, ayaa ka dhashay iyadoo Nile Organisation uu leeyahay wadaadka Fethullah Gülen, oo lagu eedeeyay in uu soo maleygay afgambigii dhicisoobay, ee hadafkiisu uu ahaa in talada dalka looga xayuubiyo Madaxweynaha Turkiga.

Laamaha ammaanka, ayaa habeenkii Talaadada ciidan gaar ihi geeyay Xarunta Isbitaalka Deva oo Nile Organisation ay maamusho, ka dib bayaan ay soo saartay Wasaaradda Caafimaadka Somaliya, oo lagu ilaalinaayo hantida taala Deva, oo lagu sheegay mid qaali ah.

Waxaa soo baxaaya warar sheegaaya in Safaaradda Turkiga ee Magaalada Muqdisho ay iibsatay qalabka Isbitaalka Deva, ka dib markii la soo afjaray mudadii shanta sano ahayd ee Nile Organisation ka hawlgaleysay Xarunta Somaliya.

Dr. Mohammad Al Puerto, Agaasimaha Guud ee Isbitaalka Deva, ayaa waxaa uu muujiyay sida uu kaga xun yahay in laga eryo Magaalada Muqdisho, ka dib muddo afar sano oo ka shakhsi ahaan uu ka shaqaynaayay Caasimadda.

Agaasimaha, ayaa bidhaamiyay in Somaliya ay u yimaadeen sidii dadka Somaliyeed ay kaga haqabtiri lahaayeen baahida ay u qabaan helista adeeg caafimaad oo wanaagsan.

Dr. Halim Yilmaz oo ka mid ah dhakhaatiirta maanta isaga tagtey Magaalada Muqdisho, ayaa ku waramaaya in Magaalada Muqdisho uu u joogay caawinta shacabka, xilli uu isu sheegay in uu ahaa dhakhtarta keliya ee dhinaca kelyaha qaabilsan, isla-markaana ka hawlgalaayay Muqdisho.

C/salaan Hadliye Cumar, Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliya, ayaa si wayn u ammaanay taageerada uu Madaxweyne Erdogan siiyo Somaliya, waxaana uu Turkigu ku tilmaamay dowladaha yar ee sida wayn u taageera Somaliya.

Dadka Somaliyeed, ayaa ku kala qaybsamay tallaabada Hay’adda Nile Organisation looga eryay Magaalada Muqdisho, inkastoo qaarkood ay ku diirsadeen ballanqaadkii Dowladda Turkiga, ee ahaa in ay buuxin doonto kaalintii Nile Organisation.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s


%d bloggers like this: