Xiisad ka taagan Degmada Cadale, markii ay Shabaabku soo buuxiyeen duleedka Degmadaasi

WAAJIDPRESS – 22 JUL 2016:

Dhiilo colaadeed, ayaa waxaa saacadihii ugu dambeeyay laga dareemaayay Degmada Cadale ee Gobolka Shabellaha Dhexe, ka dib markii Xoogaga Ururka Al Shabaab ay soo buuxiyeen duleedyada Degmadaasi.

Xiisadaan oo illaa habeenkii Arbacada laga dareemaayay deegaanada ka baxsan Degmada Cadale, ayaa waxaad mooddaa in ay soo xoogeysatay wixii ka dambeeyay duhurnimadii Khamiista.

Ciidamada Dowladda Somaliya, ayaa gelinkii dambe ee Khamiistii isaga soo baxay deegaano ay ka mid yihiin Wargaadi iyo Masaajid Cali Gaduud, iyagoona dib ugu soo laabtay Degmada Cadale.

Xoogaga Ururka Al Shabaab oo tiradoodu lagu sheegay qiyaastii 800 oo nin, ayaa waxaa la soo sheegayaa in ay wataan gaadiidka dagaalka, sidoo kalana ay aad u hubeysan yihiin.

Mintidiinta, ayaa wax yar uun ka dib markii ay la wareegeen Wargaadi waxay dab qabadsiiyeen goobo ganacsi, guryo, Dugsi Hoose iyo Dhexe. Waxaa kaloo la soo sheegayaa meelaha ay gubeen uu ku jiro Masaajid ay dadka deegaanka ku tukan jireen.

Shabaabku waxay dadka deegaanka ku amrayn in ay ka barakacaan deegaankaasi, iyadoo dadku ay gaareen Degmada Cadale, oo qudheeda laga soo sheegaayo in laga dareemaayo daruuro colaadeed.

Ilo wareedyo, ayaa Dhacdo.com u sheegay in mintidiintu ay culeys xoog lihi soo saartay Cadale, xilli heegan la geliyay Ciidamada Dowladda iyo kuwa Midowga Afrika ee Amisom.

Dadka reer Cadale, ayaa waxay kuu sheegayaan in uu jiro dareen laga qabo weerar ay Al Qaacidada Somaliya ku soo qaado Degmadan.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s


%d bloggers like this: