War deg deg ah: Qarax hadda ka dhacay Hotel Wehliye EE Magaalada Muqdisho

WAAJIDPRESS-23 JUL 2016:

Qarax culus ayaa waxa uu ka dhacay agagaarka Hotel Weheliye ee magaalada Muqdisho, kaasi oo la sheegay in lagu xiray gaari uu lahaa mas’uul hore.
Qaraxa oo inta badan laga wada maqlaayay degmooyinka Gobolka Banaadir, ayaa waxaa gaariga loogu xiray Ex Xildhibaan Yuusuf Ceynte oo ah Aabaha dhalay Wasiirka qorsheynta iyo xiriirka caalamiga C/raxmaan Ceynte.
Gaariga Qaraxa lagu xiray ayaa waxaa la sheegay in noociisa uu ahaa Karom kaasi oo xiliga uu qarxaayay hor yiilay Hoteel Wehliye hortiisa.

Qaraxan ayaa la doonayay in lagu khaarajiyo sida la tilmaamay Sheekh Yuusuf Cali Ceynte oo ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaankii KMG ahaa ee Dalka soo maray inkastoo uu ka badbaaday.

Gaariga Qarxay ayaa waxaa la haa Xildhibaan Sheekh Yuusuf Cali Ceynte oo hore uga tirsanaa Baarlamaankii KMG ahaa, waxaana Xildhibaanka uu ku jiray Hoteel Wehliye xiliga uu dhacay Qaraxaani.
Xiliga Qaraxa ayaa waxaan gaariga la soconin Ex Xildhibaan Yuusuf Ceynte mana jirto cid khasaaro uu kasoo gaaray gaariga markii laga reebo wiil dhalinyaro ah oo firirka Qaraxa oogada ka saameeyay, gaarigana Waa uu burburey.
Sidoo kale, Ex Xildhibaan Yuusuf Ceynte, ayaa waxa uu kamid yahay Hay’adda Culimada Soomaaliyeed waxa uuna inta badan kasoo horjeeda dhibta ay maleeshiyaadka Alshabaab ku hayaan shacabka.
Dhanka kale, Qaraxa kadib ayaa waxaa halkaasi buux dhaafiyay Saraakiil iyo ciidamo ka tirsan dowlada kuwaasi oo baaritaan kula dhaqaaqay gaariga.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s


%d bloggers like this: