War deg deg ah: Dowlada Norway Ayaa Gudoomye Jawaari ku cadaadineysa in uu isku sharaxo xilka Doorashada Madaxweynenimada Soomaaliya EE 2016

WAAJIDPRESS – 24 JUL 2016:

????????????????????????????????????

????????????????????????????????????

Dowlada Norway, ayaa bilowday inay cadaadin saarto Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Prof. Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari in uu qabto isla markaana isku sharaxo xilka Madaxweynenimada Doorashada SOOMAALIYA ee 2016.
Cadaadinta ayaa la sheegayaa inay salka ku heyso xilka Madaxweynenimo EE doorashada dalka ee la filaayo inay dhacdo bilaha fooda nagu soo haya.
Dowlada Norway, ayaa Guddoomiye Jawaari ku cadaadineysa inuu kamid noqdo musharaxiinta u taagan doorashada Somalia, iyadoo u ballanqaaday inay ka saacidi doonto dhanka dhaqaalaha.
Norway waxa ay Jawaari u ballanqaaday inay gaarsiin doonto ilaa xad keliya isagana looga baahan yahay inuu la imaado qorsho ay ku raali noqon karaan.
Norway, waxa ay sidoo kale, Jawaari u ballanqaaday in arrinta ololihiisa ay la kaashan doonto dowlado kale oo faraha kula jira arrimaha doorashada Soomaaliya, hayeeshee Guddoomiye Jawaari ayaa dalbaday in la siiyo muddo kooban oo uu kaga soo tashanaayo fursadaani.
Jawaari ayaa isaga ku doodaya in xiliga lagu jiro uusan munaasib u arkin musharaxnimada, balse uu kasoo jawaab bixin doono codsiga kaga imaanaya dhanka dowlada Norway oo uu ka heysto dhalasho.
Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari, ayaa isaga xiligaani ku howlan shacbiyad uraadinta Madaxweynaha xilka kasii dagaaya Xassan Sheekh Maxamuud.
Ma cada go’aanka Jawaari uu ka qaadan doono codsiga dowlada Norway ee ah inuu kamid noqdo musharaxiinta u taagan qabashada xilka Qaran.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s


%d bloggers like this: