War Cusub: Saraakiil Kenyan BOLIS ah oo tababar lagu siiyey dalkooda si ay uga howlgalaan Soomaaliya oo maanta Muqdisho soo gaarey

WAAJIDPRESS – 25 JUL 2016:

image image image

Booliis Kenyaan ah oo lagu soo biiriyey Hawlgalka AMISOM ee Somalia.

Saraakiil ka tirsan Ciidanka Booliska Kenya, ayaa waxaa tababar muddo toddobaad socday loogu soo gaba gabeeyay Magaalada Muqdisho, ka dib markii Isniintii hore ay ka soo deggeen Garoonka Aadan Cadde.

Saraakiishaan, ayaa waxaa tababarkan lagu siinaayay daruus ku aadan hawlaha Ciidanka Nabad Ilaalinta Midowga Afrika, gaar ahaan qaybtooda Booliska iyo sida ay u hawlgalaan.

Madaxa Shaqaalaha ee Booliska Amisom ahna Ku Simaha Taliyaha Ciidanka Booliska Amisom, Rex Dundun oo la hadlaayay Saraakiisha reer Kenya, ayaa sheegay in imaanshahooda Somaliya ay ku soo beegmayso, xilli Somaliya looga diyaargarowbaayo doorashooyinka ku soo foolka leh.

Isuduwaha Tababarada Booliska Amisom, Francis Aryee, ayaa ku kalsoon tababarka la siiyay Saraakiisha Kenyanka ihi inay ka caawin doonto yoolka loo keenay dalka Somaliya.

Rachael Munge Kironji oo ah haweeneyda hormuudka u ah Saraakiisha Kenyanka, ayaa iyaduna sheegtay in Saraakiishu ay diyaar u tahay inay caawiyaan Amisom, si ay u gaaraan waajibaadka loo igmaday.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s


%d bloggers like this: