War deg deg ah: Al Shabaab Oo Nabadoon Caan Ahaa Ku Gowracay Duleedka Degmada Qansaxdheere

WAAJIDPRESS – 25 JUL 2016:

Qansaxdheere – Sida Warbaahinta uu u xaqiijiyay guddomiye ku-xigeenka degmada Qansax-dheere ee gobolka Baay, rag ka tirsan Al Shabaab ayaa maanta waxa ay Nabadoon caan ah ku gowraceen meel qiyaastii 10km u jirta degmadaas.

Cabdulle Xasan Saney guddomiye ku-xigeenka degmada Qansax-dheere ayaa sheegay in Nabadoonka la gowracay lagu magacaabi jiray Aadan Abdulaahi – ALLAHA U NAXARIISTO.

Gudoomiye ku-xigeenka ayaa intaasi hadalkiisa ku daray in sababta Nabadoonkan loo dilay ay tahay in uu la shaqeyn jiray mas’uuliyiinta dowladda, waxana uu muujiyay in Nabadoon Aadan Abdulaahi uu ahaa mid ka shaqeyn jiray nabadda iyo xalinta khilaafaadka beelaha.

Dhinaca kale, Cabdulle Xasan Saney ayaa sheegay in ay socdaan howlgallo ka dhan ah Al Shabaab, waxana uu carabka ku adkeeyay in howlgaladaasi ay la kaashaanayaan Ciidamada Ethiopia ee Soomaaliya ku sugan.

Ma jiro wax war ah oo ku aadan dilka nabadoonkaan oo ka soo baxay Xarakada Al Shabaab ee dagaalka kala soo horjeeda dowladda Federaalka Soomaaliya.

Ugu dambeynti, Hase ahaatee ma ahan wax ku cusub in deegaanada Soomaalidu degto lagu gowraco Nabadoono ama shakhsiyaad kale kuwaas oo la sheeqeeya dowladda Federaalka Soomaaliya.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s


%d bloggers like this: