War deg deg ah: Weerar saaka ay Alshabaab KU qaadey Nawaaxiga Garoonka Aadan Cadde EE Muqdisho- Khasaare badan…..

WAAJIDPRESS – 26 JUL 2016:

image

Qarax aad u xoogan ayaa goor dhaweyd oo khasaaro badan geystey Ayaa saaka waxa uu ka dhacay nawaaxiga Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Muqdisho, iyadoo qaraxa kadib la maqlay rasaas aad u xoogan.

Waxaa saakay labo qarax oo aad u xoogan loona adeegsaday gawaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay ka dhaceen meel aad ugu dhaw Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde iyo Xarunta Taliska u ah AMISOM ee Xalane.
Qaraxyadan oo labo ahaa ayaa mid kamid ah waxa uu ka dhacay meel aad ugu dhaw Xarunta Xalane iyo Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde gaar ahaan Koontaroolka loo yaqaan Madiina Gate halkaa ay ku sugnaayeen ciidamo katirsan AMISON iyo kuwa Dowlada.

Gaariga ku qarxay goobta ku dhaw Xarunta Xalane ayaa la sheegay in uu gaari weyn oo nuuca loo yaqaan UD kaa oo si xoog ah uu kusoo dhaafay Koontaroolka koowaad ee kuyaala agagaarka Isgooska Dan-Wadaagaha halkaas ay ku sugnaayeen ciidamo katirsan Dowlada.
Ciidamo katirsan Dowlada iyo kuwa AMISOM ayaa rasaas ku furay gaarigan oo xowli ku socday , waxa uuna gaarigaasi ku qarxay meel aad ugu dhaw albaabka laga galo xarunta Xalane gaar ahaan Koontaroolka loo yaqaan Madiina Gate ee .

Qaraxa labaad oo isna ahaa gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay ayaa ka dhacay Koontarool kuyaala agagaarka Isgooska Dan-Wadaagaha, waxaana gaarigaasi celiyay ciidamada Nabad Suida oo halkaasi ku sugnaa , gaariga ayaana isla goobtaasi ku qarxay.

Waxaa jira dhimasho iyo dhaawac soo gaaray ciidamo ka tirsan Nabad Suggida Somaliya oo ku sugnaa goobta Koontaroolka ah ee gaariga dambe lagu rasaaseeyay.

Inta la xaqiijiayey 14 qof oo isugu jira ciidamo iyo dad shacab ah ayaa ku dhintay weerarkaasi, iyadoo 9 ka mid ah ay ahaayeen ciidamada Qaramada Midoobey,  dhaawacna uu badan YAHAY.

Saraakiil ka tirsan ciidamada Nabad Suggida Somaliya ayaa sheegay in qaraxyada la fashiliyay oo ay gaari waayeen halkii bartilmaameedka u aheyd.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in labada gaari bartilmaameedkooda uu ahaa goob Hay’ado UN-ka ka tirsan ay degan yihiin oo u dhaxeysa wadada Danwadaagta iyo Albaabka Xerada Amisom ee Garoonka Aadan Cadde.

Suxufiyiin ku sugan goobta ay wax ka dhaceen, waxa ay soo sheegayaan inuu Khasaare soo gaaray Askar ka tirsan ciidamada Amisom oo halkaa ku sugnaa xilliga qaraxa uu dhacaayay.

Afhayeenka AMISOM Joseph Kibet ayaa Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed ee SONNA u sheegay in xerada Xalane ee magaalada Muqdisho lagu soo weeraray ilaa iyo labo qarax, balse sida uu sheegay laga hortagay.

Afhayeenka ayaa tilmaamay in u jeedka qaraxyadaan ay ahaayeen in laga fuliyo gudaha xerada Xalane balse aaney suura galin taasi, oo ciidamadu ay fashiliyeen.

Dhinaca kale, Qoraal lagu baahiyay baraha internetka Al-shabaab ayaa lagu sheegay in saraakiil ka tirsan Al-shabaab oo la hadlay Al-jazeera Qeybta carabiga ay sheegteen masuuliyada qaraxyada oo ka dhacay afaafka garoonka diyaaradaha.
Al-shabaab waxay sheegeen in qaraxyada ay ku weerareen xarunta xalane oo ciidamada AMISOM degen yihiin, waxayna sheegeen in saraakiil badan ay ku dileen.
Sawiro lasoo qaaday ayaa muujinaya xubno ajaaniib ah oo ku dhintay qaraxa kuwaasi oo kamid ahaa ciidamada qaramada midoobay gaarka u ah oo ku sugan albaabka Madiino Gate.

 

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s


%d bloggers like this: