Daawo Sawiro then Akhriso: Maanta OO ay Ethoipia KU kulmeen Madaxweyne Shariif Xasan Oo La Kulmey Wasiirka Arimaha Dibadda Dalka Itoobiya Tedros Adhanom

WAAJIDPRESS – 27 JUL 2016:

image image image image

Madaxweynaha Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya, Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa kulan gaar ah magaalada Addis Ababa Ee Xarunta Dalka Itoobiya kula yeeshay iyo Wasiirka Arimaha Dibadda itoobiya Mr.Tedros adhanom.

Labada hoggaamiye ayaa kulankooda kaga wadahadley xoojinta xiriirka ka dhexeeya Koonfur Galbeed Soomaaliya iyo Dowlada itoobiya iyo arrimo kale oo gobolka ku saabsan.

Madaxweyne Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa kulankaasi waxaa uu uga mahadceliyey dowladda Ethiopia doorka ay ka qaadaneyso nabadeynta Guud ahaan Soomaaliya Gaar ahaan Gobolada KG Soomaaliya iyo sidii amniga gobolka loo sugi lahaa.

Wasiirka Arimaha Dibadda Dowlada Itoobiya Mr.Tedros adhanom ayaa isna mar kale uga mahadceliyey Booqasha Wefdi KG Soomaaliya ay ku yimaadeen Dalka Itooboiya, isagoo dhanka kalena ku amaaney dowlada Koonfur Galbeed Soomaaliya dadaalka ay ugu jirto xasliinta Degaanada KG Soomaaliya iyo Guud ahaan taagyeerida Geeda Socodka Nababada Soomaaliya ee Doorashada 2016.

Kulankaasi waxaa goobjoog ka ahaa Safiirka Dowlada Itoobiya ee Dalka Soomaaliya Mr. mas’uuliyiin kale oo soctey, Urur Goboleedka IGAD.

Madaxweynaha Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya iyo Mr.Tedros adhanom ayaa Sidoo kale ka wada hadlay sidii loo dardar galin lahaa how’galada ay sida wada jirka ah uga wadaan ciidamada dowlda KG Soomaaliya oo kaashanaya ciidamada dalka Itoobiya qaybo ka mid ah Gobolada Soomaaliya, Gaar ahaan 3 Gobol ee Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Sidoo kale Madaxweyne Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo Mr.Tedros adhanom ayaa isla gorfeeyay sidii loo xoojin lahaa calaaqaadka Koonfur Galbeed Soomaaliya iyo Itoobiya, ayna ka wada shaqeeyaan mashruucyo fududaynaya wax soo’saarka labda shacab Ee Itoobiya iyo KGS, sida dhismaha wadooyinka iyo la dagaalanta Maleeshiyada Mayalka adag ee soomaalida ah ee Al-shabaab.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s


%d bloggers like this: