War deg deg ah: Dowlada ETHOIPIA ayaa beesha caalamka iyo taliska Guud EE AMISOM ka codsadey in ciidamadeeda oo keliya loo howlgalka Soomaaliya kuwa kalena ay isaga baxaan

WAAJIDPRESS – 28 JUL 2016:

Warar lagu kalsoon yahay oo aan ka heleyno ilo wareedyo ka tirsan Hay’adaha amniga Qaranka Somalia, ayaa sheegaya in dowlada Ethiopia ay wado dadaalkii ugu danbeeyay oo ay kula wareegi laheyd amniga Somalia.
Ilo wareedka ayaa sheegay in dowlada Ethiopia ay hirgalinta dadaalkaasi u wakiilatay Wasiirkooda Arimaha dibada Dr Tedros Adhanom.
Tedros oo dadaalkaasi ka dhabeynaaya ayaa warqado kala duwan gaarsiiyay Dowlada Somalia, Taliska guud ee AU-da, Wakiilada reer galbeedka ka jooga Somalia iyo dhinacyada kale ee daneeya arrimaha Somalia.

Tedros ayaa dhinacyadaasi ka dalbaday in dowlada Ethiopia lagu wareejiyo booska AMISOM, waa haddii ay jirto dhaqaali xumi soo foodsaartay Taliska guud ee ciidamada AMISOM.

Tedros waxa uu dalabkiisa ku qeexay in dowlada Ethiopia ay awood u leedahay inay buuxiso booska dhammaan ciidamada AMISOM, isaga oo codsigiisa ku daray in dhaqaalaha ku bixi doona howlgalka ciidamadooda aan laga rabin caalamka balse ay iyaga la bixi doonaan, haddii loo suuragaliyo in amaanka Somalia lagu wareejiyo dowlada Ethiopia.

Waxa uu sidoo kale, dalabkiisa ku xusay in dowlada Ethiopia ay Somalia u heyso ciidamo ku filan oo hanakara amniga Somalia, isaga oo taasi ku micneeyay in Ethiopia ay kasoo horjeedo in ciidamada AMISOM badelkooda la waayo.

Sidoo kale, Wasiirka Arimaha dibada Dr Tedros Adhanom, waxa uu dardar galinta arrintaani u magacaabay Guddi aan sidaa u tirabadneyn kuwaasi oo laga soo dhex xulay Saraakiisha Ethiopia ka joogta Somalia, si looga marro dhaliyo hadafkooda.

Dowladaha ciidamada ka jooga Somalia ee leysku yiraahdo AMISOM, ayaa dhawaan sheegay inay ka fiirsanayaan in ciidamadooda ay kusii jiri doonaan Somalia iyo in kale maadaama aysan heysan dhaqaalihii ku bixi jiray ciidankooda.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s


%d bloggers like this: