Akhriso then DAAWO: Xildhibaan sheegay in uu ka bad baaday Qorshe uu ku dili rabay Ex-Xildhibaan Saalax Badbaado

WAAJIDPRESS – 28 JUL 2016:

Xildhibaan katirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa sheegay in lix bilood kahor uu ka bad baaday qorshe uu ku dili rabay Ex-Xildhibaan Saalax Badbaado oo maalmo kahor isku qarxiyay agagaarka garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Daahir Amiin Jeesow oo katirsan Baarlamaanka Federaalka ayaa sheegay in isaga iyo Xildhibaan kale oo katirsan Baarlamaanka ay ka bad baadeen Weerar dhabo gal ah ay kusoo qaadeen dagaalyahano katirsan Al-Shabaab xili ay marayeen Deegaanka Ceel-Cali ee gobolka Hiiraan.

Xildhibaanka ayaa xusay in Weerarkaasi looga dilay mid kamid ah askartii la socotay, dhankoodana ay xiligaasi qasaaro xoogan gaarsiiyeen dagaalyahandii Al-Shabaab ee kusoo qaaday weerarka gaadmada ah.
Jeesow ayaa tilmaamay in weerarka markii uu soo dhamaaday kadib uu soo wacay Ex-Xildhibaan Saalax Badbaado, una sheegay in weerarka lagu qaaday u ka ba badaya balse uusan ka badbaadi doonin weeraro kale.

”Weerarkii Shabaab nagu soo qaadeen markii uu fashilmay ayaa waxaa isoo wacay Ex-Xildhibaan Saalax Badbaado, waxa uuna igu yiri waad iga badbaaday Jeesow laakin maalin kale ayaadan iga baxsan doonin” Ayuu yiri Xildhibaan Daahir Jeesow.

Ex-Xildhibaan Saalax Badbaado oo kasoo mid noqday Baarlamaankii KMG ahaa ee Soomaaliya ayaa labo maalin kahor isku qarxiyay meel ku dhaw garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdsho, waxaana weerarkaasi ku dhintay ku dhawaad 20-qof oo isugu jira shacab iyo ciidan-DAAWO:

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s


%d bloggers like this: