Akhriso then DAAWO: Xildhibaan Xasan Macalin Yuusuf “Mooshin sharci ah ayaan ka gudbinay Guddoomiyaha Baarlamaanka”

WAAJIDPRESS – 31 JULY 2016:

Xildhibaano ka tirsan Maamulka Koonfur Galbeed, ayaa mooshin waxa ay ka gudbiyeen Guddoomiyaha Baarlamaanka Maamulkaasi C/qaadir Shariif Sheekuna Maya.

Kadib kulan ay Magaalada Baydhabo ku yeesheen xubnaha Baarlamaanka Maamulka Koonfur Galbeed ee mooshinkaan diyaariyay ayaa waxa ay sheegeen in qodobo Dastuuri ah ay u cuskadeen Mooshinkooda.

Xildhibaan Xasan Macalin Yuusuf oo u hadlay Xildhibaanada kulanka isugu yimid ayaa sidan sheegay.

“Waxaa kulan isugu yimid Xildhibaannada baarlamaanka Koonfur Galbeed xubno ka mid ah, islamarkaana ajendahooda yahay inay ka wada hadlaan waxa ka dhacaya baarlamaanka Koonfur Galbeed taas oo sababtay in xubno ka mid ah xildhibaannada ay soo gudbiyaan mooshin ka dhan ah guddoomiyaha baarlamaanka Koonfur Galbeed taas oo ay xildhibaannadan u cuskadeen markii uu jabiyey qodob Dastuuri ah, kaasi oo ah qodobka 41-aad islamarkaana sheegayey in baarlamaanka sanadkii uu yeelanayo 2 fadhi oo midkii uu soconayo muddo Afar bil ah sida aan la wada soconno baarlamaanka Koonfur Galbeed waxa uu dhisnaa 8 bil, mana jirto wax kalfadhi ah oo uu yeeshay.” Ayuu yiri Xildhibaanka

Xubnaha Baarlamaanka Koonfur Galbeed ayaa sidoo kale mooshinka u cuskaday shaqo gudasho la’aan ay ku eedeyeen Guddoomiyaha Baarlamaanka Maamulkaasi.

“Sidoo kale aan la sameyn guddi hoosaadyadii Baarlamaanka, markii aan aragnay in shaqadii loo idmaday Guddoomiyaha, sidaa darteed waxaan go’aansannay inaan keenno mooshinkaan oo ay nala ogaadaan shacabka ku nool deegaankan Koonfur Galbeed.” sidaasi waxaa saxaafadda u sheegay Xildhibaan Xasan Macalin Yuusuf.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Maamulka Koonfur Galbeed, weli kama uusan hadlin Mooshinkaan laga gudbiyay – DAAWO:

 

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s


%d bloggers like this: