Archive for Agoosto, 2016

Akhriso then DAAWO: Mareykanka oo liiska argagixisada ku daray Cabdulqaadir Muumin

Agoosto 31, 2016

WAAJIDPRESS – 31 AUG 2016:

Waaxda arrimaha dibedda Mareykanka, ayaa Cabdulqaadir Muumin ku dartay liiska argagixisada sida gaarka ah loo callaamadeeyey, ee amarka madaxweyne ee tirsigiisu yahay 13224, kaasi oo cunaqabateyn kusoo roga shaqsiyaadka iyo kooxaha la go’aamiyey inay halis ku yihiin Mareykanka.

Cabdulqaadir Muumin, ayaa madax ka ah koox ku xiran Daacish oo Soomaaliya ka jirta.

Cabdulqaadir Muumin oo horey shaqsiyaadka argagixisada ugu qori jiray islamarkaana u ahaa afhayeenka Al-Shabaab, ayaa isaga iyo 20 dagaalyahan oo kale waxay bishii October ee 2015 ku biireen Daacish, ayaga oo saldhig ka sameystay meelo ka mid ah Puntland.

Wixii markaa ka dambeeyey, ayaa sida ay sheegtay waaxda arrimaha dibedda Mareykanka, Cabdulqaadir Muumin waxa uu ballaariyey unugiisa argagixiso isaga oo afduubay wiilal da’yar oo 10 illaa 15 sano jiro ah, kuna qasbay inay ciidamo noqdaan.

Go’aanka cusub ee Mareykanka ka soo baxay, ayaa waxa uu farayaa dhammaan shaqsiyaadka iyo hay’adaha Mareykanka inaysan wax xiriir ah la sameyn karin Cabdulqaadir Muumin – DAAWO:

 

Advertisements

DAAWO: GARAADKA GUUD EE BEESHA DHULBAHANTE OO MAANTA SI CAD U TAAGEEREY WADAHADALKA SOMALILAND

Agoosto 31, 2016

WAAJIDPRESS – 31 AUG 2016:

 

 

UN condemns terrorist attack at Mogadishu hotel

Agoosto 31, 2016

WAAJIDPRESS – 31 AUG 2016:

The top UN envoy for Somalia on Wednesday condemned truck bombing of the SYL Hotel in Mogadishu on Tuesday in which 22 people were killed and 30 others injured.

The Special Representative of the UN Secretary-General (SRSG) in Somalia, Michael Keating, also wished those who were injured in the attack quick recovery.

“Violent extremists have once again bombed a hotel in the Somali capital,” Keating said, noting that Tuesday’s bombing marked the third such attack on the SYL Hotel since the beginning of 2015.

Keating said the attack on Syl Hotel provides powerful evidence of the extraordinary resilience of the Somali people, who refuse to be cowed by Al-Shabaab’s campaign of terror.

Several senior government officials and members of the federal parliament were attending a meeting inside the hotel at the time of the blast, but none was among the fatalities.

“Our thoughts and prayers are with the families of the victims who perished in today’s attack,” said the SRSG. “We wish the injured a full and speedy recovery.”

Al-Shabaab claimed responsibility for the attack, which took place in the vicinity of the presidential palace and the federal parliament building.

War deg deg ah: ODAYAASHA dhaqanka ee MAAMULKA GALMUDUG oo ku dhawaaqey in Aysan ka qeybgaleynin aqalka Sare haddii aan lagu saleynin Nidaamka 4.5

Agoosto 31, 2016

WAAJIDPRESS – 31 AUG 2016:

Duubabka dhaqanka Maamulka Galmudug oo maanta kulan ku yeeshay magaalada Cadaado ayaa kasoo horjeestay qaabka loo qeybiyay xubnaha aqalka sare ee dowlada soomaaliya.Odayasha dhaqanka oo ka kooban Ugaas C/laahi Ugaas faarax, Suldaan Maxamed sh maxamed, Garaad Aadan Cilmi iyo Imaam Cumar macalin Abshir ayaa tilmaamay in xubnaha aqalka sare aan lagu saleyn nidaamka 4.5 ee Soomaalidu ku heshiisay in wax lagu qeybsado ilaa doorasho xora laga garaayo isla markaana uu jiro sad bursi maamulada qaar taasina ay keeni karto in bulshada Soomaaliyeed ay ku kala fogadaan.
Imaam cumar macalin abshir oo ka midahaa odayaasha dhaqanka ee Cadaado ku kulmay ayaa si isku mida u sheegay inay cadaalada ka fogtahay qaabka la donaayo in lagu soo dhiso xobnaha aqalka sare ee dalka.
madaxda sare ee maamulka galmudug ayaa sidan oo kale horay u sheegay inay kasoo hor jeedaan 2 xobnood oo puntland loogu kordhiyay aqalka sare.

WARARKA DEG DEG:-Puntland Oo Ciidankii Ugu Badnaa Keentay Gaalkacyo & Warar Sheegaya….

Agoosto 31, 2016

WAAJIDPRESS – 31 AUG 2016:

Maamulka Puntland ayaa lagu soo waramayaa in ciidankii ugu badnaa keenay magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug, halkaasi oo laga baqanayo inay ka dhacaan dagaallo u dhaxeeya maamulada Galmudug iyo Puntland.

Ciidamadan ayaa intooda badan laga keenay magaalooyinka Garoowe iyo Boosaaso.

Waxaa jirtay maalmahan dambe muran xagga dhulka ah oo ka dhex jiray Labadan maamul, iyadoo weli ay sii ifeysay colaaddii horay uga dhacday Gaalkacyo.

War hadda SOO dhacay, VIDEO: Wax ka Ogow Xiriirka Cusub ee Majeerteen iyo Xawaadle iyo Musharax Puntland ka soojeeda oo ka dagay Baladweyne

Agoosto 31, 2016

WAAJIDPRESS – 31 AUG 2016:

Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ayaa maanta waxaa Gaaray wafdi uu hogaaaminayo Wasiirkii hore ee Waxbarashada ee maamulka PUNTLAND  Cali Xaaji Warsame iyo siyaasiyiin ka soo jeeda Beesha MAAJEERTEEN.

Wafdiga Beesha MAJEERTEEN ee uu hogaaminayey Cali Xaaji warsame ayaa la kulmay Ugaaska Beesha Xawaadle Ugaas Xasan Ugaas Khaliif Ugaas Rooble  – DAAWO:

 

War deg deg ah: Hotel SYL oo weerar iyo Qarax lagu qaadey…

Agoosto 30, 2016

WAAJIDPRESS – 30 AUG 2016:

image image image

????????????????????????????????????

????????????????????????????????????

Qarax culus ayaa goor dhaweyd lagu weeraray Hotelka SYL oo ka soo horjeeda Madaxtooyada Somaliya, halkaasi oo gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay lagu dhuftay.

Weerarkan, ayaa waxaa loo adeegsaday gaari noociisa lagu sheegay UD, kaasoo ay walxaha qarxa ka soo buuxiyeen mintidiinta Ururka Al Shabaab.

Ninkii la socday gaarigan, ayaa xoog kaga soo gudbay Check Point ay ku sugnaayeen Ciidamada Dowladda Somaliya, iyadoo inta aanu ku qarxin ilinka hore ee SYL Hotel, la maqlaayay rasaas ay ku soo eryanayeen Ciidamada Dowladda.

Xilligii uu weerarku dhacaayay, ayaa waxaa Hotelka ka socday barnaamij uu soo qaban qaabiyay Telefishinka Qaranka. Martidii barnaamijka ka qaybgaleysay, ayaa qaaarkood ku dhaawacantay weerarkaasi.

25 qof ayaa waxaa la xaqiijiyay in ay ku dhimatay qaraxaasi, iyadoo 40 kalana ay ku dhaawacantay. Dadka dhaawacmay waxaa ku jira dumar iyo dhalinyaraba.

Dad ay ku jiraan Wasiiro, Xildhibaano, La taliye-yaal, Saraakiil ciidan iyo Suxufiyiinba iyo shacab ayaa ku waxyeeloobeen weerarkaasi, oo Shabaabku ay u adeegsadeen gaari nooca xamuulka oo walxaha qarxa laga soo buuxiyay.

Waxaa bur bur xoogan uu soo gaaray Dhismaha Hotelka SYL iyo sidoo kale Guryaha halkaasi ka agdhowaa.

Maleeshiyaadka Al-shabaab ayaa sheegtay mas’uuliyada weerarkaasi waxa ayna cadeeyen in halkaas in halkaasi ay ku dileen mas’uuliyiin farabadan.

HOOS KA AKHRISO LIISKA WASIIRADA & XILDHIBAANADA DHAAWACMAY:

1-Wasiirka Dhalinyarada iyo Isboortiga ee xukuumadda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Xasan (Nuux) oo la sheegay inuu ka dhaawacmay Madaxa iyo Garabka.

2-Wasiirka Warfaafinta, Maxamed Cabdi Xayir Maareeye oo isna uu soo gaaray dhaawac fudud oo ka dhashay Qaraxa.

3-Wasiirka Dakadaha iyo Gaadiidka Badda, Nuur Faarax Xirsi oo isna uu soo gaaray dhaawac fudud oo u badan qeybaha sare ee jirkiisa.

4-Wasiiru dowlaha Gaashaandhigga Maxamed Cali Xaga oo xilliga qaraxa hotelka ku sugnaa.

5-Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow oo dhaawac fudud uu soo gaaray.

6-Xildhibaanad Caasho Koos oo uu dhaawac kasoo gaaray oogada sare iyo gacmaha.

7-Xildhibaan Food oo ka tirsan Baarlamaanka Somalia oo uu soo gaaray dhaawac fudud.

8-Xildhibaan Saciid oo dhaawaca uu kasoo gaaray Madaxa

9-Xildhibaan Cabdalla Boos Axmed waxaa soo gaaray dhaawac fudud

10-Agaasimaha Wasaarada Arrimaha Dibadda Xukuumada Somalia oo isna uu soo gaaray dhaawac fudud.

HOOS KA AKHRISO MAGACYADA WERIYAYAASHA KA DHAAWACMAY WARBAAHINTA DFS

1-Agaasimaha SNTV C/naasir Xuseen

2-Weriye C/fitaax Daahir Jayte

3-Weriye Maxamed Xassan National

4-Camero man la dhashay Liibaan Cali Nuur.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari iyo Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke ayaa si wada jir ah u cambaareeyay qaraxii maanta ka dhacay inta u dhexeysa Ilinka Madaxtooyada Qaranka iyo Hotel SYL.

Madaxda Qaranka ayaa tacsi u diray Ummadda Soomaaliyeed iyo ehelada dadkii ku dhintay qaraxii maanta, waxaana inta ku dhaawacantay ay Alle uga baryeen in uu bogsiiyo.

AKHRISO: Gudoomiyaha Baarlamaanka Prof. Jawaari oo u hiiliyey Xildhibaan ka mid ah Xildhibaanadiisa (Faarax Cabdulqaadir) iyo Isbaheysiga Xisbiyada siyaasada oo arintaasi qoraal iyo eedeyn ka soo saarey

Agoosto 29, 2016

WAAJIDPRESS – 29 AUG 2016:

Guddoomiyaha Baarlamaanka Prof. Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari  ayaa magacaabay oday dhaqameed cusub (oo ka soo jeeda beesha SHEEKHAAL – REER AW-XASSAN), isla markaana si rasmi ah loogu soo daray liiska Oday dhaqameedyada 135 ahaa.

Warqad uu ku saxiixanyahay Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari kuna socota Guddoomiyaha Guddiga Heer Federaal ee Doorashooyinka Dadban ee Qaranka ayaa lagu soo magacaabay Nabadoon Maxamed Axmed Xuseen (Shukri) in uu guddoomiye u noqdo guddiga dhaqanka ee beesha Reer-Aw-Xasan ee gobolada Hiiraan iyo Sh. Dhexe.

Nabadoon Maxamed Axmed Xuseen (Shukri) ayaa sida ku xusan warqadda wuxuu madax ka noqondoona howlaha la xiriira soo xuladda kursiga beesha Reer Aw-Xasan ee gobolada Hiiraan iyo Sh. Dhexe.

Tirada odayaasha dhaqanka ee soo xulidoona Baarlamaanka Soomaaliya ayaa markaa noqonaya 136.

Suldaan Maxamed Cabdi Cumar ayaa horay ugu magacownaa beesha Reer Aw-Xasan xulitaanka Beesha, laakin waxaa soo if-baxay in uu jiro cabasho la xiriirta beesha dhexdeeda, taas oo dhalisay in xubin cusub lagu daro odayaasha dhaqanka.

Dhinaca kale, Isbaheysiga Xisbiyada Siyaasada oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa ka digay fara gelin ay sheegeen in Madaxda dowladda ku hayaan Liiska saxda ah ee Odayaasha dhaqanka 135 oday ee soo xulaya Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka – Akhriso marka hore warqada uu Ku magacaabey Gudoomye Jawaari Odey dhaqameedka cusub  Then Warsaxaafadeedkooda xisbiyada mucaaradka oo ka kooban labo bog:

image

 

xisbiga xisbiga1

War deg deg ah: Baarlamaanka Somaliya oo u yeeray Guddoomiyaha Bankiga Dhexe ee dalka

Agoosto 29, 2016

WAAJIDPRESS – 29 AUG 2016:

Xildhibaanada Baarlamaanka Somaliya ayaa u yeeray Guddoomiyaha Bankiga Dhexe ee dalka si wax looga weydiiyo arinta ku saabsan lacagtii dhawaan la sheegay in lagala baxay Bankiga dhexe ee dalka, xilli dalka uu ku jiro Marxalad kala guur ah.

Guddoomiyaha Bankiga dhexe ee dalka Bashiir Ciise Cali ayaa Khamiistii Saxaafadda u sheegay lacag dhan $ 530,000 in lagala baxay Bankiga Dhexe, lacagtaasi oo uu sheegay inuu qaatay Khasnijigii Bankiga.

Xidlhibaan Maxamed Nuuraani Bakar oo la hadlay Idaacada Risaala ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in Guddiga Maaliyada Baarlamaanka iyo Xeer ilaalinta inay bilaabeen dabagalka arintaasi.

“Walaal arinta waa ay bilaabatay Guddigii Baarlamaanka ee Maaliyada qayb fiican ayeey ka qaateen Hanti dhowrkii ayeey u sheegeen Xeer Ilaaliyihii ayeey u sheegeen waa howl bilaabatay laakiin inay daahdo ma’ahan, Baarlamaanka Somaliyed wuu joogaa meesha, Xeer ilaaliyaha iyo Hanti dhowrka, aniga shaqsiyan waxaan qabaa in la ogaado hadii ay noqoto lacagtaasi inay ku baxday si siyaasadeysan waxaa ka horeeyo in la helo qofka dambiga galay Hanti dhowrka ayaana ku shaqo leh Guddigii Maaliyada ee Baarlamaankana wuu joogaam.” Ayuu yiri Xildhibaan Xidlhibaan Maxamed Nuuraani Bakar.

Xubnaha Baarlamaanka Somaliya ayaa isla xisaabtan adag ku sameynaya xaqiiqda ku aadan dhaqaalahaasi lagala baxay Bankiga dhexe ee dalka.

Siyaasiyiin badan ayaa sheegay lacagta la gala baxay Bankiga Dhexe ee dalka inay tahay arin siyaasadeysan oo loo baahan yahay in Guddi Madax Banaan arintaasi ay dabagal ku sameeyaan, maadaama dhaqaalahaasi uu yahay mid badan xilligana suuragal ay tahay in Arimaha Doorashooyinka loo adeegsado.

Madaxda Dowladda Federalka Somaliya weli kama aysan hadlin lacagta lagala baxay Bankiga dhexe, taasi oo muujinaysa shaki hor leh oo ku aadan dhaqaalahaasi lala baxay.

KA FAAIDEYSO: FAA’IIDOYINKA AY LEEDAHAY “AYATUL KURSI”

Agoosto 29, 2016

WAAJIDPRESS – 29 AUG 2016:

Faa’idooyinka #Ayaatul_Kursi:

1. Haddii aad akhrido marka aad guriga ka baxayso, waxaa dhan walba kaa ilaalin doona Malaa’ig aad u badan.
2. Haddii aad akhrido marka aad guriga soo galayso, gurigaaga faqri uma soo dhawaanayo.
3. Haddii aad akhrido marka aad waysaysato kadib, waxaa 70 jeer kuu kordhaya ajaaraadka Alle.
4. Haddii aad akhrido inta aanad seexan ka hor, waxa ku ilaalin doona habeenkaas oo dhan Malag.
5. Haddii aad akhrido kadib salaad walba oo aad tukato, shayga kaliya ee adiga iyo janada idin dhaxeeya waa geerida.

Haddii aad asxaabtaada la wadaagto waa Sadaqatu Jaariya – Akhriso iyo Ducooyinka la akhristo:

image

image

image