Sarkaal ka tirsan maamulka Gobolka Banaadir oo Muqdisho lagu dilay

WAAJIDPRESS – 1 AUG 2016:

Kooxo hubaysan ayaa xalay fiidkii waxa ay Magaalada Muqdisho ku dileen Sarkaal ka tirsanaa Maamulka Gobolka Banaadir, kaasi oo la shaqeynaayay maamulka Degmada Yaaqshiid.

Khaalid Maxamed Cali oo ahaa Guddoomiye Waaxeed ka tirsan Maamulka Degmada Yaaqshiid, ayaa rag hubaysan oo Bistoolado wato waxa ay ku toogteen isla Degmadaasi.

Kooxihii hubaysnaa ee dilay Guddoomiye Waaxeedkaasi ayaa ka baxsaday goobta dilka ay ka geysteen, mana aysan suuragelin in ciidamada ammaanka ay gacanta ku dhigaan.

Afhayeenka Maamulka Gobolka Banaadir C/fataax Cumar Xalane, ayaa sheegay inay ka tacsiyadeynayaan dilka Sarkaalkaasi loo geystay.

Ammaanka Magaalada Muqdisho ayaa noqday mid aanan la isku haleyn karin maadaama dilalka qorsheysan iyo qaraxyada ay ku sii badanayaan caasimada.

Afhayeen Xalane ayaa dafiray in ammaanka Muqdisho uu noqday mid xumaaday, isaga oo ku doodaya in amniga uu yahay mid wanaagsan oo ciidamada ay sugaan.

Al Shabaab ayaa kordhiyay dilalka qorsheysan iyo qaraxyada ay ka geystaan caasimada.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s


%d bloggers like this: