War culus: Cabsi ka jirta Magaalada Muqdisho

WAAJIDPRESS – 1 AUG 2016:

Magaalada Muqdisho, ayaa xilligaa dadka ku nool waxa ay dareemayaa cabsi xoogan, kadib markii ay kordheen qaraxyada gaadiidka ee ka dhacaya caasimada gudaheeda, Bulshadana dhibaatooyin kala duwan ay ka soo gaarayaan.

Shalay Magaalada waxaa ka dhacay qaraxyo labo ah oo loo adeegsaday gaadiid, kuwaasi oo kala ahaa gaari Surf ah iyo Gaari Noha ah oo lagu weeraray Xarunta Dambi Baarista ciidanka Booliska Somaliyed ee loo yaqaan CID.

Sidoo kale lix Maalin ka hor oo ku beegneyd 26-kii Bishii dhamaatay waxaa Magaalada ka dhacay Labo qarax oo Ismiidaamin ah oo uu fuliyay labo ruux oo naftood qaribayaal ah, kuwaasi oo isku qarxiyay agagaarka Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Muqdisho.

Xalay oo ugu dambeysay Magaalada waxaa ka dhacay qarax gaari lagu xiray oo ka dhacay meel ku dhaw Isgoyska Dabka ee Magaalada Muqdisho, iyadoo dhinaca kale Nabad Suggida ay sheegtay in la qatay gaari Kaarib ah oo qarax ay ka buuxaan.

Arimahan oo dhan ayaa waxa ay dhaliyeen cabsi lixaad leh oo soo food saartay dadka ku nool Magaalada Muqdisho oo muujinaayo walaac dhanka ammaanka ku saabsan, maadaama qaraxyada gaadiidka oo aanan lagaraneyn Bartilmaameedkooda dadka dhibaatooyin ay ka soo gaaraan.

Goobaha Bulshada ay isugu timaado ayaa dadka waxa ay muujinayaa feejignaan dheeri ah, kaba sii daranee gaari meel yaalo hadii la arko dadka waa ay ka kala cararayaan.

Magaalada Muqdisho oo gaadiidka yar yar ay ku badan yihiin ayaanan la kala saari karin gaadiidka dhibaatada wada iyo midka dhibaatada aanan wadin ee sida nabadgelyada ah wadada ku maraayo.

Bulshada caasimada ku nool ayaa dhibanayaal u noqday qaraxyada caasimada ka dhaca, shalay ugu dambeysay Shan ruux oo shacab ah iyo Mooto Bajaaj ayaa ku basbeelay qaraxyadii lagu weeraray Xarunta Dambi Baarista ciidanka Booliska Somaliyed.

Laamaha ammaanka dalka ayaa ku fashilan suggida ammaanka iyo ka hortagga dhagarta ay maleegayaa Xubnaha ka tirsan Ururka al Shabaa.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s


%d bloggers like this: