Madaxda maamul goboleedyada oo soo wada gaaray Muqdisho & kulamo ka socda Villa Somalia

WAAJIDPRESS – 2 AUG 2016:
Madaxda maamul goboleedyda dalka ayaa maanta soo wada gaaray magaalada Muqdisho, iyaga ka qeyb galaya shirka madasha wada tashiga Qaran oo maalinta beri ah ka furmaya caasimada.

Waxaa ka mid ah madaxda Xamar soo gaaray madaxweynayaasha, Puntland, Juballand & Koonfur Galbeed C/wali Gaas, Axmed Madoobe iyo Shariif Xasan.

Madaxweynaha maamulka Galmudug C/kariin Guuleed oo safar caafimaad ugu maqan dalka India ayaan markii ugu horeysay ka qeyb geli doonin shirka madasha, waxaana ku metelaya Ku-simihiisa ahna Madaxweyne ku-xigeenka maamulka Galmudug Maxamed Xaashi Carabey.

Amniga xarunta madaxtooyada Somalia iyo nawaaxigeeda ayaa aad loo xoojiyey halkaasoo kulamo gooni gooni ah ay uga socdaan madaxda dowlada Soomaaliya iyo kuwa maamul goboleedyada dalka.

Shirka Madasha wada tashiga ee beri furmaya ayaa looga hadli doonaa xiliga la qabanayo doorashooyinka madaxda dowlada, iyadoo ay jirto hadal heyn badan oo ku saabsan in doorashooyinku ay dib uga dhici doonaan xiligii loogu tallo galay.

Qorshaha madaxtooyada ee Jadwalka cusub ayaa ah in doorashada dalka ay dib u dhacdo sababo lagu micneeyay fashil ku imaaday wakhtiga la qaban lahaa doorashada oo aad u yar.

Madaxtooyada Somalia ayaa dajisay jadwal ah in doorashada dalka ay qabsoonto Bisha December 12-da oo la dooran doono Madaxweynaha Cusub oo ay yeelan doonto Somalia.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s


%d bloggers like this: