Kooxo hubeysan oo Weeraray Hooyga Sarkaal ka tirsan Nabad Sugida

WAAJIDPRESS- 3 AUG 2016:

Muqdisho —Warar dheeraad ah ayaa caawa ka soo baxay bam gacmeed Kooxo hubeysan ay ku weerareen Hooyga Degmada Dharkeenleey ee Magaalada MUQDISHO  uu ka degan yahay Madaxa howlgelinta Ciidamada Nabad Sugida, Maxamed Aadan Cumar.

Ugu yaraan 1 Askari ayaa ku dhintay, 3 kalena dhaawac ayaa ka soo gaaray bam gacmeedka lagu weeraray Guriga Madaxa howlgelita Ciidamada Nabad Sugida oo ku yaalla Xaafada Suuq-boocle ee Degmada Dharkeenleey ee Magaalada Muqdisho.

Goobjooge la hadlay Idaacadda Shabelle ayaa shaaca ka qaaday in Kooxaha weerarkaasi geystay ay isaga baxsadeen goobta, waxuunta ku daray in Ciidamo ka tirsan Nabad Sugida ay bilaabeen howlgallo baaritaano ah.

Weli ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay Saraakiisha Maamulka Degmada Dharkeenleey oo ku aadan Weerarkaasi caawa ka dhacay Degmadaasi.

Ilaa iyo hada jirto cid sheegatay mas’uuliyada bam gacmeedka lagu weeraray Hooyga Degmada Dharkeenleey uu ka degan yahay Madaxa howlgelinta Ciidamada Nabad Sugida Soomaaliya.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s


%d bloggers like this: