Nin hubeysan oo goor dhow dil fool xun ka geystay degmada Waaberi ee G/Banaadir

WAAJIDPRESS – 3 AUG 2016:

Gabar shan sano jir ah ayaa lagu dilay galabta degmada Waaberi ee gobolka Banaadir ka dib markii ay haleeshay rasaas uu furay nin hubeysan.

Falkan dilka ah oo ka dhacay xaafad ku dhow Ex-iskuulkii Waaberi cusub ayaa yimid ka dib markii nin ka tirsan dhalinyarada degaanka uu rasaas ku furay dhalinyaro kale oo muran uu kala dhexeeyey, waxaana la sheegay in rasaastii ay haleeshay gabar shan sano jir aheyd oo goobtaas ka dhoweyd taasoo markiiba goobta ku geeriyootay, iyadoo dhalinyaradii rasaasta loo wadayna ay ka badbaadeen sida dad goob joogayaal ah ay Allbanaadir u sheegeen.

Ciidanka Booliska saldhiga Waaberi oo daqiiqado ka dib soo gaaray goobta ayaa qabtay, xabsigana u taxaabay gacan ku dhiiiglaha dilka ka geystay, iyagoo ka qaaday qori uu si sharci daro ah ku heystay oo dilka uu ku fuliyey.

Shacabka ku dhaqan degmada Waaberi ayaa si weyn uga argagaxay falkan kama’ ah ee lagu dilay gabadha yar oo dhacay galabta xili ku dhow qorax dhaca.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s


%d bloggers like this: