War deg deg ah: Nin Soomaali oo weerar ka gaystay Magaalada London

WAAJIDPRESS – 4 AUG 2016:

Ninkii dhalinyarada ahaa ee xalay weerarka ka gaystay Magaalada London, ayaa noqday 19 jir haysta dhalashada Wadanka Norway, balse asal ahaan ka soo jeeda Somaliya.

Isagoo mindi ku hubeysnaa, ayuu weeraray dad ku sugnaa Fagaaraha Russell Square ee Bartamaha Magaalada London, waxaana uu ku dilay haweeney u dhalatay Mareykanka, halka lix kalana uu ku dhaawacay.

Lixda qof ee uu dhaawacay, ayaa waxay u kala dhasheen Wadamada Australia, Britain, Mareykanka iyo Israel. Ciidamada ammaanka ayaa hadda gacanta ku haaya muwaadinkaasi Soomaaliyeed.

Saraakiisha Booliska, ayaa waxay sheegayaan in weerarkaan uu xiriir la leeyahay xanuun dhinaca dhimirka ah oo ninkaasi uu qabay, isla-markaana uu u muuqdo inaanu xiriir la lahayn waxa loogu yeero argagixisada.

Booliska Norway, ayaa War Saxaafadeed ay soo saareen ku sheegay in 19 jirkaasi uu Norway ka soo guuray sanadkii 2002-dii, ayna arrintaan kala shaqaynayaan Booliska Magaalada London.

Sadiq Khan, Duqa Magaalada London oo fasax ku guda jiray markii uu xalay weerarku dhacaayay, ayaa soo afjaray fasaxa, waxaana saacadaha soo socdo lagu wadaa in uu shir jaraa’id kaga hadlo waxa ka dhacay Xarunta Britain.

Mr. Khan, ayaa shacabka reer London ugu baaqay in ay feejignaan muujiyaan, isla-markaana ay la shaqeeyaan hay’adaha ammaanka.

Weerarka ka dhacay Magaalada London, ayaa wuxuu ku soo beegmayaa, xilli toddobaadkaan la kordhiyay tirada askarta ka hawlgasha Magaaladaasi, iyadoo 600 oo askar hubeysan lagu kordhiyay tiradii horey kaga hawlgaleysay.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s


%d bloggers like this: