War deg deg ah: Ciidamada Kumaandooska ee Danab oo la wareegay garoonka diyaaradaha Gaalkacyo EE PUNTLAND

WAAJIDPRESS – 6 AUG 2016:

image

Galkacayo — Wararka ka imaanaya magaalada Gaalkacyo ayaa sheegaya in xalay maqribkii ay ka dageen garoonka diyaaradaha Gaalkacyo Ciidamada Danab ee sida gaarka ah u tababaran ee ka tirsan ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed, kana soo kicitimay Garoonka Balidoogle oo ka tirsan deegaanada ay maamusha Dowlad Goboleedka KOONFUR GALBEED; Ciidamadan Ayaa beel ahaan u badan beelaha Abgaal iyo DIGIL iyo MIRIFLE. 

Sida ay sheegayaan wararka ciidamadan ayaa fariisin ka sameystay qeyb ka mid ah garoonka diyaaradaha Gaalkacyo ee ay maamusho Puntland.

Dadka ku nool Gaalkacyo ayaa hadal haya ciidamada dul degay garoonka diyaaradaha Gaalkacyo, lamana oga ujeedkooda.

Wararka qaar ayaa sheegaya in ciidamadan ay ka howl galayaan deegaanada Mudug, si ay howl gal uga fuliyaan Gobolka  Mudug ee ay ku soo xoogeysanayaan ururka  Al-Shabaab.

Howlihii duulimaad ee garoonka diyaarada C/llaahi Yuusuf ee Gaalkacyo ayaa saaka hakad ku jira, iyadoo maalmihii la soo dhaafay la sheegay inay gaabis ahaayeen diyaaradihii imaanayay garoonka.
Ma jirto wax war ah oo ka soo baxay maamulka Puntland oo ku aadan Ciidamadan sida gaarka ah u tababaran ee xalay la wareegey garoonka diyaaradaha Gaalkacyo.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s


%d bloggers like this: