War deg deg ah: Ku dhawaad 10 Dukaan oo Caawa lagu boobay Magaalada Muqdisho

WAAJIDPRESS – 6 AUG 2016:

Muqdisho —Rag ku labisan dareeska Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa lagu soo waramayaa in dhac baahsan ay u geysteen Dukaamo ganacsi oo ku yaalla Xaafada Dabaqeynka ee Degmada Dharkeenleey ee Magaalada Muqdisho.

Ilaa iyo 8 Dukaan ayaa Raggan ku labisan dharka Ciidamada Dowladda waxey Caawa boob ugu geysteen Degmada Dharkeenleey ee Gobolka Banaadir.

Qaar ka mid ah ganacsatada hantidooda la boobay oo la hadlay Idaacaddaha DALKA ayaa sheegay in dhamaantooda lagu armay in ay isaga soo baxaay goobahooda ganacsi, islamarkaana la isugu keenay halmeel.

Waxaana intaasi kadib Raggii hubeysanaa ay qaateen ama dhaceen waxyaabihii dukaamadaasi yaalla haba ugu badnaadeen lacago cadaan ah, sida ay sheegeen ganacsatadaasi.

Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Degmada Dharkeenleey ayaa sheegay in kiiskan uu soo gaaray islamarkaana ay wadaan baaritaano ku aadan soo qabashada Raggii ka dambeeyay dhacaasi.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s


%d bloggers like this: