DAAWO then Akhriso: Sareeye Gaas Maxamed Sheekh Xassan Xaamud iyo Wasiir Odawaa oo gaaray Magaalada Baydhabo

WAAJIDPRESS – 7 AUG 2016:

image image image image

image image image image image image image image

Wafdi ka kooban 38 xubnood OO ay kala hogaaminayaan Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen (Odawaa), Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliya iyo Taliyaha Ciidanka Booliska, General Maxamed Sheekh Xasan Xaamud, ayaa maanta gaaray Magaalada Baydhabo.

Masuuliyiintaan oo hal diyaarad ka wada raacay Garoonka Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho, ayaa waxaa Garoonka Baydhabo ku soo dhaweeyay Masuuliyiin Maamulka Koonfur Galbeed ka tirsan.

Xubnahaan, ayaa markii ay gaareen BAYDHABA, waxaa  loo kaxeeyay Aqalka Madaxtooyada Baydhabo, halkaasoo ay kula kulmeen Masuuliyiinta Koonfur Galbeed, ka dib waxaa loo galbiyey hoteelo cusub oo  loogu Talogaley.

Wasiir Odawaa, ayaa Magaalada Baydhabo u tagey sidii uu u soo xiri lahaa shir looga hadlaayay tayaynta Dowladaha Hoose ee Maamul Goboleedyada, oo maalmahaanba ka soconaayay Magaaladaasi.

Taliyaha Boliiska Soomaaliya Sareeye Gaas Maxamed Sheekh Xassan Xaamuud, ayaa isaguna la soo sheegayaa in Xarunta Gobolka Baay uu u tagey, sidii uu maalinta Talaadada uu tababar ugu soo xiri lahaa isla markaana hubkooda loogu qeybin lahaa boqolaal askari oo boolis ah, oo billihii ugu dambeeyay uu tababar kaga socday Baydhabo.

Dhanka kale Kooxda Fannaaniinta Heegan iyo Ciidamada Bambeeda ee Booliska Somaliyeed, ayaa iyaguna diyaarad kale ku tagey Magaalada Baydhabo, si ay Talaadada kaga qayb qaataan askarta tababarka loo soo xiri doono – FILO video.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s


%d bloggers like this: