Madaxweyne Xasan: Al Shabaab waxey rabaan in ay weeraraan goobaha doorashooyinka

WAAJIDPRESS – 7 AUG 2016:

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Magaalada Muqdisho kulamo kula qaatay Saraakiisha AMISOM iyo kuwa Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Kulanka u dhaxeeyay Madaxweyne Xasan Sheekh, Saraakiisha Ciidamada Dowladda iyo kuwa AMISOM ayaa diirada waxaa lagu saaray sida loo sugi karo amaanka goobaha ay ka dhacayaan doorashooyinka Dalka.

Xasan Sheekh Maxamuud, Madaxweynaha Soomaaliya ayaa waxuu tilmaamay in Xarakada Al Shabaab ay qorsheenayaan Weeraro ka dhan ah goobaha lagu qabanayo doorashooyinka la filayo in ay ka dhacaan Dalka.

Waxuu cod dheer ku sheegay in Ciidamda DFS iyo kuwa AMISOM ay ka hortagayaan weerarkasta oo ay damacsan yihiin Xarakada Al Shabaab.

Hadalka Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa waxuu imaanayaa maalmo un kadib markii Al Shabaab ay kordhiyeen Weerarada u badan is qarxinta ee ka dhaca Magaalada Muqdisho.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s


%d bloggers like this: