Akhriso then DAAWO: Ra’isul Wasaaraha Somalia iyo Masuuliyiin kale oo Muqdisho kusoo dhaweeyay Madaxweynaha Galmudug

WAAJIDPRESS – 8 AUG 2016:

cabdi-kariin1 cabdi-kariin6

Waxaa goordhaw garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho kasoo degay Madaxweynaha Maamulka Galmudug Mudane Cabdikariin Xuseen Guuleed, oo xaalad Caafimaad ugu maqnaa dalka Hindiya.

Guuleed,waxaa Garoonka Aadan Cadde,ku soo dhaweeyay ra’isalwasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Cumar,C/rashiid Cali Sharma’arke, Madaxweynaha Koonfur Galbeed Shariif Xassan, Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Axmed Maxa’ed Islaam (Axmed Madoobe iyo madaxweyne ku xigeenka Galmudug,Max’ed Xaashi Carrabey.

Ra’isul Wasaaraha Xukuumada Soomaaliya Cumar Cabdirashiid, Wasiiro katirsan Xukuumada Soomaaliya, Xildhibaano iyo xubno kale oo bulshada rayidka kamid ah ayaa garoonka Diyaaradaha kusoo dhaweeyay Madaxweynaha Galmudug.

Soo dhaweynta kadib ayaa Madaxweynaha Galmudug waxaa loo soo galbiyay sida aan Wararka ku heleyno xarunta Madaxtooyada Soomaaliya uu ka socdo Shirka Hogaamiyaasha Madashada Wadatashiga Qaran oo la filayo in maanta lasoo gabo gabeeyo.

Madaxweynaha Galmudug ayaa maalmihii lasoo dhaafay ku sugnaa isbitaal kuyaala dalka Hindiya ,halkaas oo lagula sameeyay Qaliin dhinaca wadnaha, waxaana xaalada Madaxweynaha hada lasoo warinayaa in ay tahay mid wanaagsan – DAAWO:

 

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s


%d bloggers like this: