War deg deg ah: QARAXYO KHASAARO GEYSTAY OO SAAKA KA DHACAY MAGAALADA MUQDISHO

WAAJIDPRESS – 8 AUG 2016:

Waxaa salaadii Subax kadib labo qarax oo nuuca Miinada loo adeegsado ay ka dhaceen xaafada Sii Sii ee Degmada Dayniile ee gobolka Banaadir, waxaana qaraxyadan ka dhashay qasaarooyin isugu jira dhimasho iyo dhaawac.
Qaraxa koowaad ayaa la sheegay in uu ahaa qarax Miino oo gaariga loogu xiray sargaal katirsanaa ciidanka Milatariga Soomaaliya , waxaana qaraxaasi ku dhaawacmay sida Warraka ku helnay labo askari oo gaariga saarnaa.

Wax yar kadib markii uu qaraxaasi dhacay ayaa la sheegay in dhaawacyada askarta loola cararay Isbitaal kuyaala meel ku dhaw halka uuqaraxu ka dhacay oo lagu magacabao Guutaale Hospiatl, waxaana halkaa markii dhaawacyada la geeyay isbitaalka iridiisa mar kale ka dhacay qaraxa miino oo dhulka lagu sii diyaariyay.
Qaraxan kale ee ka dhacay albaabka Isbitaalka ayaa sidoo kale haleelay garigii lagu qaaday askarta ku dhaawacantay qaraxii hore, waxaana qaraxa labaad ku dhimatay Haweeney kamid aheed shaqaalaha Isbitaalka halka uu dhaawac soo gaaray qof oo shacab ah oo waday gaariga dhaawacyada lagu qaaday.
Gudoomiyaha Degmada Dayniile Axmed Nuur Cbadi Siyaad oo gaaray halka ay qaraxaydu ka dhaceen ayaa noo xaqiijiyeen qaraxyadan iyo qasaaraha ka dhashay, waxa uuna sheegay in sadex qof ee qaraxyada ku dhaawacantaay labo kamid ah xaaladooda ay fiican tahay laguna daweenayo Isbitaalka Madiina.
Qaraxyadan saakay ka dhacay Xaafada Sii Sii ee Degmada Dayniile ayaa dadka xaafadaasi argagax badan ku abuuray, xaalada goobihii ay qaraxyadu ka dhaceen ayaana hada lagusoo waramayaa in ay mid dagan.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s


%d bloggers like this: