Wararkii ugu dambeeyay Shabaab iyo ciidamada Dowladda oo Shabellaha Dhexe ku dagaalamay

WAAJIDPRESS – 10 AUG 2016:

Sida ay sheegayaan wararka inaga soo gaaraya Gobolka Shabellaha Dhexe, ciidamada Shabaab iyo kuwa Dowladda Federalka Somaliya ayaa ku dagaalamay deegaano ku dhaw Degmada Jowhar.

Dagaalkaan ayaa yimid, kadib markii ciidamo ka tirsan Ururka Al Shabaab ay weerar ku qaadeen deegaanka Madax Kisi oo ku yaalo Gobolka, islamarkaana ay ku sugnaayeen Ururka Al Shabaab.

Dagaalka oo qaatay ku dhawaad saacad ayaa la sheegay in ciidamada Dowladda Federalka Somaliya ay u suuragashay inay la wareegaan gacan ku haynta Deegaankaasi.
Sarkaal ka tirsan ciidamada Dowladda oo u waramay Warbaahinta gudaha ayaa sheegay in Shabaabka dagaalkaasi Khasaare ay ku gaarsiiyeen, ugu yaraana 3 dagaalyahano inay ka dileen.

Wararka ayaa sheegaya Ciidamadii Shabaabka ka tirsanaa ee looga itaal roonaaday dagaalka inay halkaasi isaga carareen, maadaama ciidamada Dowladda oo si aad ah isku soo abaabulay dagaalka ay la galeen.

Deegaanka Madax Kisi ayaa la sheegaa maalinta Arbacada inay isugu yimaadaan ganacsato badan oo kala iibsata Geela, waana sababta ugu weyn ee ciidamada ay ugu mintidiin inay halkaasi Shabaabka ka saaraan, si ay canshuurta Geela dadka uga qaadaan ciidamada.

Xaalada Deegaanka Madax Kisi ayaa ah hada mid degan, balse waxaa laga cabsi qabaa dagaalyahano Shabaab ka tirsan inay weerar rogaal celis ah ay ku soo qaadaan deegaanka.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s


%d bloggers like this: