War deg deg ah: Gaadiid ay wateen ciidamada AMISOM oo la weeraray & faahfaahino ka soo baxaya

WAAJIDPRESS – 14 AUG 2016:

Qarax ka dhacay wadada Ex-kontrol Balcad oo ka tirsan degmada Heliwaa ee magaalada Muqdisho, kaasoo lala beegsaday gaadiid ay wateen ciidamada AMISOM oo halkaas marayey.

Qaraxan oo loo adeegsaday miino lagu aasay laamiga dhinaciisa ayaa dhacay caawa maqribnimadii xiliga Muqdisho, iyadoo qaraxa ka dib la maqlay rasaas ay fureen ciidamada AMISOM.

Ciidamada dowlada oo watay gaadiidka dagaalka ayaa halkaas gaaray kuwaasoo xiray wadada isla markaana baaritaano ka bilaabay sida dad goob joogayaal ahi ay sheegeen.

Lama oga illaa hadda khasaaraha ciidamada AMISOM ka soo gaaray qaraxan oo aan aheyn kii ugu horeeyey ee goobahaas lagula beegsado, waxaana caawa degan xaalada goobta ay wax ka dhaceen.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s


%d bloggers like this: