DEG DEG: Ciidamada Puntland oo Garoowe ku Xidhay Banki Diiday in uu Dhiibo Lacago Xad Dhaaf Ah oo Madaxweyne ku Xigeenka Puntland ku Amray

WAAJIDPRESS – 15 AUG 2016:

Wararka Saakay naga soo Gaaraya Magaalada Garoowe ee xarunta Puntland ayaa waxa ay sheegayaan in Ciidamada Gaarka ah ee madaxtooyada Puntland in ay xireen Bankiga Amaal Garoowe.

Ciidamadaan oo ahaa kuwo aad u farabadan ayaa saakay isku gadaamay dhamaan albaabada laga soo galo Bankigagaasi.

Shaqaalihii iyo Macaamiishii ayaa loo diiday in ay Gudaha u galaan Bankiga Saakay oo Isniin Ah sida ay sheegayaan wararka Garoowe ka imaanaya.

Warar lagu kalsoonaan karo ayaa waxa ay sheegayaan in Amarkaan lagu xidhay Bankigaasi uu Dhiibay Madaxweyne ku xigeenka Puntland Cameey.

Waxaa lagu soo waramayaa in Madaxweyne ku Xigeenka Puntland uu kal hore amar dul dhigay Bankiga Amaal Kaasi oo Ahaa in ay dhiibaan lacag gaareeysa 70, Kun oo Dollar.

Maamulka Bankigaasi ayaa ka dhaga adeegay amarkaasi Taasi oo Sababtay in Saaka Albaabada la isugu dhufto islamarkaasina Ciidamo badan halkaasi la dhoobo.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s


%d bloggers like this: