War deg deg ah: Shirkada Xawaalada Amal ee magaalada Garoowe oo Madaxweyne ku xigeenka Puntland uu weeraray

WAAJIDPRESS – 15 AUG 2016:

Garoowe Wararka laga helayo ayaa sheegaya in Ciidamo taabacsan Madaxweyne ku xigeenka Maamulkaasi C/xakiin Xaaji Cameey ay weerar ku qaadeen Shirkadda Xawaaladda Amal Bank ee ku taala Magaaladaasi.

Ciidamada ayaa la sheegay in ay gudaha u galeen Dhismaha Shirkadaasi Saacado koobana waxa ay xireen ilaaladii Shirkadaasi iyagoona hakad geliyay howlihii Xawaaladeed ee shirkadu u heysay Macaamiisheeda .

Sababta ay arintani maanta u dhacdey ayaa sheegaysa in Madaxweyne Ku Xigeenka maamulka Puntland uu Shirkadaasi horay uga dalbaday Dhaqaale gaaraya 70,000$ oo uu sheegay in Maamulka Puntland uu kula dagaalamayo Somaliland, laakiin ay shirkada diidey una sheegtey Maamulka Puntland in shirkada aysan siyaasad ka qeyb-qaadaneynin.

Hab dhaqankan oo dadka qaarkood ku timaameen inuu i muuqdo kii lagu yaqiinay hogaamiye kooxeedyada ayaa waxaa si weyn uga carooday shacabka magaalada Garoowe oo maanta dhacdadan si weyn u hadal hayey.

Madaxweyne ku-xigeenka Puntland C/xakiin Cumar Camey ayaan faahfaahin ka bixinin talaabada ay ciidankiisu mudada kooban ku xireen xarunta shirkadda Amal ee Garoowe, mar ay warbaahintu la xiriirtayna waa uu ka gaabsaday inuu ka hadlo.

 

 

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s


%d bloggers like this: