Beesha Carab Soomaali oo qeyla dhaan ka soo saartay qoondada Baarlamaanka cusub

WAAJIDPRESS – 16 AUG 2016:

Magaalada Muqdisho waxaa maanta ka dhacay kulankii ugu ballaarnaa oo ay ka soo qeyb galeen qeybaha bulshada ku abtirsada Carab Soomaali, waxaana kulankaasi ka soo qeyb galay waxgarad, odayaal, siyaasiyiin, aqoonyahano, dhallinyaro iyo haween.

Kulanka ayaa ujeedkiisu ahaa in mowqif mideysan laga qaado qoondada beesha uga soo aaday Baarlamaanka cusub oo ah hal xubin, iyadoo khudbadihii halkaasi laga soo jeediyay si weyn looga horjeestay arrintaasi.

Guddoomiyaha Jaaliyadda Carab Soomaali Md. Xuseen Saalim oo halkaasi khudbad ka jeediyay ayaa sharaxaad ka bixiyay qowmiyada Banaadiriga oo uu sheegay inay degan yihiin min raas kambooni ilaa iyo raas caseyr.

“Hal kursi ayaan ku heysanaa aqalka Baarlamaanka, anagoo Soomaaliya oo degan, waxaa naga maqan kaliya inaan isku nimaado oo hal kalimad, waxa aan hadda ku socono wax fiican ma aha” ayuu yiri Guddoomiyaha jaaliyadda Carab oo sheegay in kulankaan uu ahaa midkii ugu horeeyay uguna ballaarnaa.

Xubnaha halkaasi khudbadaha ka jeediyay waxaa kale oo ka mid ah Marwo Baarliin Cadami oo ku boorisay madaxda sare ee dowladda inay dib u eegaan xuquuqda ay leeyihiin beelaha Banaadiriga, waxayna tilmaantay in beesha Carab-Soomaali lagu xariqay shirkii Carte, hadana ay la’dahay xuquuqdeeda, waxayna madaxda ka dalbatay arrintaasi inay u eegto.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s


%d bloggers like this: