War hadda soo dhacay: Israsaaseyn ka dhacdey Muqdisho oo ay dad ku dhinteen

WAAJIDPRESS – 16 AUG 2016:

Israsaaseyn sababtay dhimashada labo ruux ayaa duhurnimadii maanta ka dhacday degmada Waaberi ee gobolka Banaadir.

Goob joogayaal ayaa sheegaya in israsaaseyntan ay bilaabatay markii ay fooda is dareen ciidanka ilaalada xarunta degmada Waaberi iyo rag ku lebisan dareyska milateriga oo telefano mobilo ah ka soo dhacay xaafado ka tirsan degmada.

Raggan dhaca geystay oo saddex nin ka koobnaa ayaa waxaa la sheegay iney markii hore ka soo carareen dadka degaanka oo eryanayey, iyadoo ka dib ay ku soo baxeen ciidanka amaanka degmada, rasaas culus ayaana halkaas la isku isweydaarsaday.

Labo wiil oo midkood uu darawal ka ahaa mooto bajaaj ayaa ku geeriyooday rasaasta ay isweydaarsadeen labada dhinac, waxayna wiilasha geeriyooday ka tirsanayeen dadka degaanka.

Dableyda dhaca geysatay ayaa ugu dambeyn halkaas ka baxsaday, laguma guuleysan in la qabto, iyadoo masuuliyiin ka tirsan maamulka degmada Waaberi ay sheegeen in lagu raad joogo.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s


%d bloggers like this: