Baarlamaanka Soomaaliya oo maanta kulan yeelanaya

WAAJIDPRESS – 17 AUG 2016:

Iyadoo xubnaha Baarlamaanka Somaliya ay dib uga soo noqdeen fasax waqti badan qaatay ayaa maanta xubnaha Baarlamaanka waxa ay isugu imaanayaan kulamadoodii caadiga ahaa ee ay ku yeelan jireen Xarunta Golaha shacabka ee Magaalada Muqdisho.

Sida uu sheegay Xildhibaan Maxamed Cumar oo ah Habdhowraha Baarlamaanka Somaliya, kulanka maanta ayaa wuxuu ku saabsan yahay Ajandihiisa warbixin laga dhageysan doono Guddiga Dastuurka Baarlamaanka Somaliya iyo Ansixinta Qaraar ku saabsan u gudbinta Dastuurka Baarlamaanka 10-aad.

“Guddiga Baarlamaanka ee Dastuurka ayaa maalmahan ku mashquulsanaa inuu warbixin ka diyaariyo waxyaabihii markaasi ay soo qabteen oo gudaha iyo dibada kulamadii ka dhacay ah, Golaha shacabka ayeey ka jeedin doonaan, kadibna waxaa la akhrin doonaa Qaraar ku saabsan u gudbinta Baarlamaanka 10-aad Dastuurka.” Ayuu yiri Xildhibaan Maxamed Cumar.

Xubnaha Baarlamaanka Somaliya oo waayahan dambe ku mashquulsanaa danahooda gaarka ah, ayaa maanta isugu imaanaya kulankaasi, maadaama fasaxii koobnaa ee Xildhibaanada ay ku baxeen Maalmihii Ciida ugu dambeyn maanta ay ka soo noqonayaan.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s


%d bloggers like this: