Ciidan si gaar ah u tababaran oo loo sameeyay ilaalinta Xarunta Baarlamaanka ay ku shiraan

WAAJIDPRESS- 17 AUG 2016:

Ciidamo cusub oo ka tirsan Booliska Somaliya ayaa loo sameeyay inay sugaan xarunta Golaha shacabka ee Magaalada Muqdisho, ciidankaasi oo shalay Taliyaha Booliska uu ku soo bandhigay isla Xarunta Golaha shacabka.

Maxamed Sheekh Xasan Xaamud, Taliyaha ciidamada Booliska Somaliya ayaa sheegay ciidamadan cusub inay yihiin kuwa si gaar ah ugu xil saaran xaqiijinta ammaanka xarunta Golaha shacabka.

Wuxuu sheegay ciidamada ilaaliya Xildhibaanada iyo kuwa gaarka ka haya Xarunta Golaha shacabka inay yihiin ciidan ka wada tirsan hal hurin oo Booliska Somaliya ka mid ah.

“Ciidankaan waa hurinta gaarka ah ee ilaalin doonta Xarunta Golaha shacabka ee Magaalada Muqdisho, kadib markii la dersay waxaa noo muuqatay in la habeeyo ciidanka ilaalada Xarunta Golaha shacabka hal hurin ayeey ka tirsan yihiin Guddoomiye waxaan kaa doonaynaa inaad adigana naga warqabtid.” Ayuu yiri Taliyaha ciidamada Booliska Somaliyed.
Guddoomiyaha Baarlamaanka Somaliya oo ka hadlay goobtii lagu soo bandhigay ciidamadaasi ayaa aad ugu mahadceliyay Taliyaha ciidamada Booliska Somaliyed Maxamed Sheekh Xasan Xaamud.

Jawaari ayaa sheegay Booliska inuu yahay ilaalinta muwaadinka, sidaasi awgeedna markasta loo baahan yahay ciidamada Booliska inay ka turjumaan magaca Somaliyed.

“Ilaalada Baarlamaanka waa Saldhiga Dowladnimada, ilaalinta Dowladnimada waa soo saarista haybada shacbiga Somaliyed uu mudan yahay sidaasi awgeed mahad gaar ah ayaan u jeedinayaa Taliyaha iyo ciidanka Booliska Somaliyed oo waayahan dambe dib u habeyn xoogan wada.” Ayuu yiri Gudoomiye Jawaari.

Ciidamadan cusub ee Baarlamaanka Somaliya loo sameeyay ayaa noqonaya kuwa masuuliyada amniga Baarlamaanka qaata, maadaama dalka xiligaan kala guur uu galaayo oo ay halis tahay in amniga uu xumaado.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s


%d bloggers like this: