Shirkii Baarlamaanka maanta OO Xildhibaano LAGU dhaariyey

  • WAAJIDPRESS – 17 AUG 2016:

Baarlamanka Somalia ayaa maanta isugu yimid kulankoodii ugu horeeyey ka dib markii ay fasax galeen bishii Ramadaan.

Waxaa shir gudoominayey gudoomiye ku-xigeenka labaad ee baarlamanka Jeylaani Nuur Iikar, iyadoo looga hadlay qodobo dhowr ah.

Kulanka Baarlamanka ayaa waxaa lagu hor dhaariyey xildhibaano cusub oo lagu bedelay kuwo geeriyooday, waxayna kala yihiin Max’ed Aadan Qalabxoor oo lagu bedelay Ex-marxuum Xildhibaan Cabdullaahi Jaamac Xuseen iyo Xamsa Siciid Xamsa oo isna lagu bedelay marxuum Xildhibaan Burci Maxamed Xamsa.

Dhinaca kale Baarlamaanka federaalka Soomaliya ayaa soo saaray qaraar ku aaddan howsha dib u eegista dastuurka oo loo leexinayo baarlamaanka 10aad ee dhawaan la filayo.

Sidoo kale, Baarlamanka ayaa warbixin ka dhageystay guddiga dib u eegista iyo la socodka dastuurka kaasoo sheegay ineysan suurto aheyn in la sii wado dib u eegista dastuurka, maadaama baarlamaanka mudadiisa xil hayntu gabaabsi tahay oo aaney u suurtogaleyn iney sii wadaan howlahooda shaqo, sidaa darteedna ay soo jeedinayaan in howsha lala sugo baarlamaanka cusub ee soo socda.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s


%d bloggers like this: